WorldRemitAds

“Sharaabkii ama biyihii waxay isku bedelayaan dhiig, cuntadii oo dhan way is bedelaysaa, markaa waxaanu u aragnaa mucjiso rabaaniya oo ilaahay keenay” Mid Ka Mid Ah Culimaa’udiinka

Burco, Somaliland, December 18, 2016, (Saxafi) – Qoys ku dhaqan magaaladda Burco ayaa waxa laga soo sheegayaa dhacdo ku cusub adduunka oo qoyskaasi la kulmeen ka dib markii cunto kasta oo ay karsanayaan ilaahay uga dhigayo wax nooc kale ah oo aan la cunni karin.

Qoyskan ayaa markii ay gurigii waxba ka cuni kari waayeen waxay qaylo dhaan u dirsadeen culimadda magaaladda Burco si ay quraanka ugu akhriyaan uguna soo duceeyaan iyagoo u maleeyey inuu jin cuntadoodda walaaqayaa uu guriga ku jiro.

SomlegalAds

Qoyskan oo ku dhaqan xaafadda Oktoobar ee magaalladda Burco ayaa xubno ka mid ah qoyskaasi waxay sheegeen in biyaha ay shubtaan iyo cuntadda ay karsanayaan isku bedelayaan midab kale, waxaanay sheegeen in saddexdii cisho ee u dambeeyey arrintu ka sii dartay, taas oo keentay in qoyskaasi cuntaddii looga soo kariyey jaarka, qaarkoodna hoteeladda u cunto doonteen.

“Imiika illaa saddex cisho ayey hawshani socotay, laakiin muddo laba bilood ayaa hooyaday cuntadda aanu siinayno wax loogu darayey oo mar walba waanu daadinayey, markii dambe waxay gaadhay in cuntadii oo dhami nooc kale isku bedesho, markii aanu adkaysan kari waynay ee biyihi isbedeleen, ee quraacdii iyo qadadii is bedeleen ee aanu cuni kari waynay ayaanu qaylo dhaan u dirsanay culimadda magaaladda si la noogu duceeyo meel la nooga yimidna garan mayno” ayey tidhi haweenay ka mid ah dumarka guriga ku nool.

Haweenayday oo sharaxaad dheeraad ah ka sii bixinaysa dhacdadan ayaa waxay tidhi: “Marxuumaddii guriga lahayd way dhimatay, bil iyo afar iyo toban habeen aniga, hooyaday iyo Ayeeydey ayaa ku noolayn, markii dambana walaashay ayaa u soo guurtay iyaduna way ku aragtay oo cuntaddii ayaa is wada bedeshay, cunto kasta oo la kariyaa nooc kale ayey noqonaysaa, shaahu wuu isbedelayaa, bariisku wuu isbedelayaa, caanuhu way is bedelayaan, cuntaddii saaka aanu dubanay qof nagama cunin oo guryo kale ayaa la noogu soo kariyey qaarkoodna hoteelada ayey wax ka soo cunayeen”

“Sharaabkii ama biyihii oo kale waxay isku bedelayaan dhiig (Casaan), cuntadii oo dhan way is bedelaysaa, markaa waxaanu u aragnaa mucjiso rabaaniya oo ilaahay keenay” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah culimadii quraanka ku akhriyey guriga qoyskani ku nool yahay ee magaalada Burco.

Arrintan ayaa mucjiso ku noqotay bulshada ku dhaqan xaafadaha ka agdhow iyo inta badan magaaladda Burco, kuwaas oo boqolaal ka mid ah dadweynahaasi ay koox koox ugu soo qulqulayaan guriga qoyskani degan yahay ee mujisada lagu arkay si qof kastaaba indhihiisa ugu soo arko.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.