WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland November 22, 2015 (Saxafi) – Qaar kamid ah qurba joogta gobolka Saaxil ee degmada Bullaxaar ayaa deeq lacageed oo $2000 (laba kun oo dollar) soo gaadhsiiyey iskuulka dhismihiisu ka socdo deggmada Buulooxaar, waxana ay xubnaha qurba joogtaasi lacagta soo gaadhsiyeen gudigga qaabilsan dhismaha iskuulka. 

Deeqdan Lacageed oo ay soo direen afar nin oo walaalo ah ilmo Daahir Guuleed kuna nool magaaladda London ee caasimadda boqortooyadda dalka Uk. Waxana ay deeqdda lacagtu ugu talo galeen dib-u-dhiska iyo soo nooleynta iskuulka degmadda Buulooxaar oo taariikh dheer ku lahaa geyiga Somaliland. Deeqdan oo ay ka gudoomeen gudida gacanta ku haysaa dhismaha iskuulkaya si weyn uga mahad-celiyey, sidoo kale-na baaq u direen bulshadda qaybaheeda kala duwan khaasatan qurba joogta ay ka qayb qataan dhismaha duggsiga waxbarashada ee Buulooxaar.

Warka DeeqdaMaxamuud Daahir Guuleed ayaa ka warbixiyey sababta ku keliftay isaga iyo walaaladii deeqdan lacageed ay ugu deeqeen dhismaha iskuulka ayaa sheegay muhimada kowaad ay ahayd ardayda ku nool deggmada ay helaan waxbarasho iyo taarikhda dheer ee ku dugaan magaca dugsiga dib loo soo nooleyo, waxana hadalkiisa ka mid ahaa “Dad badan sida ilahay ha uu naxariistee Wasiirkii hore ee xananadda xoolaha marxum Dr. Idiris ibraahin iyo Maxamed Bixi Yoonis ay hore uu sheegeen in dugsigani uu ahaa meelihii noloshooda ugu saameynta badan ku lahayd, xagaa kale waxa lagu xasuusan kara xilligii Jabhadda marxuum Muj. Haybe Laambad ardaydi wax ka baratay dugsigan, waxana ugu baaqaya dadka deegaanka uu dhashay iyo ciddi kale ba doonaysa in ay ka qayb qaataan dhismaha dugsigan iskuulkan”

SomlegalAds

Caaqil Axmed Basaas, ayaa isna u mahad naqaay afarta walaalo oo deeqdu ka timid, siddo kalena ka hadlay taariikhdda degmdda Buulooxaar iyo dugsigu uu lahaa waxana uu yidhi. “Buuloxaar Taarikhdeeda Lixdankii waxa kasoo baxay Ninkii la odhan jiray Xaaji Aadan doorashadii xilligaas, waa magaalo qadiimi ah, waxanay ahayd meelihii saameynta ku lahaa doorashooyinkii xilliyadii hore.

Sidaas daradeed waxan gudida usoo jeedinayaa in ay aamaanada xafiddan, waxa kalo uu ducaynayaa inamadda walaalaha ah ee iskood isku soo xiilqaamay waxanan leeyahay Illahay halkaad kasoo saarteen wax ka wanaagsan Alle ha idiinku bedelo. Lacagtan la igu soo hajaaiyey waa 20,000 Doolar waxanan sida aad arkeysaan gacanta ka geliyey xoghayaha gudida Sheekh Cabdiraxmaan”

Sidoo kale, waxa isna goobtaas lacagtii ku gudoomay Sheekh Cabdiraxmaan oo uu mahad naqay qurba joogta deeqdan iyo tabarucaadka ay ugu deeqeen dhismaha iskuulka, waxanu yidhi “Illahay-baa mahada leh, waxan u mahad naqaya walaalaheena ilma Daahir Guuleed oo jooga magaladda London oo ay lacag dhan laba kun oo dollar ah nasoo gaadhsiiyey, lacagtan oo ay ugu talo galeen dhismaha dugsiga Buuloxaar, taas oo aan ahayn Lacagtii ugu horreysay sida uu caaqil-kuba sheegay.

Marka waxanu leenahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin iyadoo ay waajibkiini tahay oo deggaankiini aad wax gudoonsiiseen, waxanan walaalaha kale ugu baaqay inay kasoo qayb qaatan dugsiga dhismihiisa”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.