WorldRemitAds

Afhayeenka Milateriga Israel Avichai Adraee, ayaa daliishaday xadiiska Nebigeeni Subanaa (NNKHA) halista beentu leedahay iyo sida qofka caadaysta ee u saaxiibka noqda naar ugu sababto, u daliishaday dhaleecaynta adeegsiga beenta ee maalinta 1-da April ee dunida badankeedu u taaqaan maalinta beenta aduunka.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Afhayeenku waxa uu sheegay in halista beentu aanay kala yarayn maalinta ugu horaysa bisha april-na aanay banaanayn, waxaanu isagoo halisteeda ka hadlaya uu daliishaday, xadiiskii Nebigeeni Maxamed (NNKHA) uu Beenta iyo sheegisteedu inay naar geliso qofka inoogu sheegay, inoogana digayay inaynu been sheegno.

Xadiiskaas oo ahaa “Waxaan idiin kala digayaa idinka iyo beenta, Maxa yeelay beentu waxay kuu hagtaa fusuqa, oo isna naar kugu haga,” xadiiska Nebi Maxamed (NNKHA) wuxuu kaga digaya halista ay leedahay beenta iyo adeegsigeedu, waxaanu inoogu cadaynayaa inay xumaan iyo faajirnimo kugu hagto, ka dibna Naar lagu muto oo ay dhaxalsiiso qofka.

Afhayeenka Milateriga Israel ma aaminsana diinta Islaamka iyo Nebi Maxamed (NNKHA), waxaanu ka mid yahay dadka ugu nacaybka badan, haddana waxa uu ka maarmi waayay inuu xadiis laga wariyay nabiga u adeegsado, kuna tilmaamo halista ay leedahay caadaysiga beenta la sheego maalinta bisha afraad ee sanadka miilaadigu bilato ee loo yaqaano maalinta beenta aduunka ee 1-da April.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Afhayeenka Milateriga Israel ayaa xadiiskan uu soo daliishaday ku akhriyay luuqada carabiga ah ee uu asal ahaan ku qoran yahay, Nebi Maxamed (NNKHA), lagaga soo wariyay ee aynu ku wada akhrisano, laakiin umuu cadayn askartii uu ku waaninayay inuu xadiis laga wariyay Nebi Maxamed (NNKHA) yahay oo uu diinta Islaamka ka soo xigtay.

 

حديث نبوي عن الكذب نذكر منها قوله صلى الله عليه وسلّم: (عليكم بالصِّدقِ. فإنَّ الصِّدقَ يهدي إلى البرِّ. وإنَّ البرَّ يهدي إلى الجنَّةِ. وما يزالُ الرَّجلُ يصدُقُ ويتحرَّى الصِّدقَ حتَّى يُكتبَ عند اللهِ صِدِّيقًا. وإيَّاكم والكذِبَ. فإنَّ الكذِبَ يهدي إلى الفجورِ. وإنَّ الفجورَ يهدي إلى النَّارِ. وما يزالُ الرَّجلُ يكذِبُ ويتحرَّى الكذِبَ حتَّى يُكتبَ عند اللهِ كذَّابًا. وفي روايةٍ: بهذا الإسنادِ. ولم يُذكرْ في حديثِ عيسَى ويتحرَّى الصِّدقَ. ويتحرَّى الكذبَ. وفي حديثِ ابنِ مسهرٍ حتَّى يكتُبَه اللهُ).[١]

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.