WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 17 (Saxafi)- Dadweynaha Somaliland ayaa wali sii hadal haya sababta xilka looga qaaday wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, kaas oo looga bartay la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo kordhinta miisaaniyadda Qaranka.

Goobaha ay dadku ku kulmaan iyo Basaska  u kala baxa xaafadaha magaaladda Hargeysa ayaa tan iyo markii xilka laga qaaday wasiirkii Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ka dooddaya arrintaasi, iyagoo dadku siyaabo kala duwan u macneeya xil ka qaadistan lagu sameeyey, taas oo lagu tilmaamay mid degdeg ah. “Maxamed Xaashi waa wasiirka kaliya ee xukuumadda madaxweyne Siillaanyo ku faanto waxqabadkiisa, wasiir waliba goobaha xafladaha waxa uu ka sheegaa waxqabadkiisa iyago ku tilmaamaya inay xukuumadda cusubi samaysay waxyaalo badan oo horumar leh oo ay ka mid tahay kobaca dhaqaale ee dalka, waxbarashadda Bilaashka laga dhigay, mushaharka loo kordhiyey shaqaalaha iyo ciidamadda, dhamaan  arrimahaasi waxay yihiin waxyaalihii uu qabtay wasiirkii hore ee maaliyadda” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadweyne kaga doodayey bas dhexdii arrintan.

Maxamuud Jawhar nin magaciisa ku sheegay oo isaguna sida uu u arko arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigu waxaan u arkaa in la doonayo lacagtii la ururiyey ee uu ninkaasi ururiyey in la cuno”, isagoo wasiirka cusub ee loo magacaabay xilkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Wasiirka Cusub ee Samaale waa nin maamulka yaqaana, Laakiin ma gaadhsiin karo halka uu wasiirkii ka horeeyey gaadhsiisay”ayuu yidhi Maxamuud.

SomlegalAds

Dhinaca kale, shaqaalaha ka shaqaynayey wasaaradda Maaliyadda qaarkood ayaa markii ay maqleen xil ka qaadista qaarkood soo dhaweeyeen, kuwaas oo hawlo badan ka hayey wasaaradda, iyago wararku sheegayaan in labaddii cisho ee u dambeeyey aan qaarkood shaqo iman, iyagoo helay jaanis ay ku nastaan maadaama, Wasiirka maaliyaddu oo shaqayn jiray shacaado aad u badan.

Sidaas oo ay tahay shaqaalaha qaar ayaa u arkayay nin ku haboon shaqadiisa, balse ad-adag oo marar badan ku dhici jiray khaladaad ka dhasha koobnaanta aaminaada uu ku qabo shaqaalaha oo dhan. “Cashuurihii iyo tacriifaddihii farsamo ahaan isaga oo aan ku soo shaqeyn oo aan agabkii kalla garaneyn ayay dhacaysay mar-mar inuu ruux la soo hadlo oo u sheego in Kastam hebel lagaga haysto alaab..dabadeed uu go’aan ka gaadho, kaasoo keeni kara khasaare.” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah hawl-wadeenadda Kastamadda dalka.waxaase uu qiray inuu shaqaalaha laftoodda u wadday mushahar kordhin ay kaga maarmaan laaluushka.

Dhinaca kale, shabakaddaha arrimaha bulshadda ee Intarnetka ayaa bulshaddu aaraa kalla duwan oo arrintan la xidhiidha ku qaadaa dhigayeen maalmahan danbe, iyagoo qaarkood maqaalo ay diyaariyeen ku duray Madaxweyne Siilaanyo deg-degsiinyo.

Waxaa dadka arrintan faaleeyay ka mid ah Cali Maxamuud Nuur oo qormadda uu ka diyaariyay ku bilaabay siddan “Waa maxay sababta ay xukuumaddani u noqon wayday mid caga dhigata? waase maxay sababta keentay in wasiirrada, agaasimayaasha iyo maareeyayaashu ay ugu nagaan la`yihiin manaasibta loo dhiibayo lagula degdego ee digreetada madaxweynuhu goor walba u tidhaahdo HEBEL ayaannu u magacownay jagada noocaasi ah inu qabto, ka dib markii aannu aragnay aqoontiisa, khibraddiisa, kartidiisa iyo daacadnimadiisa bla….bla…..bla… iyo inu yahay nin ku habboon oo gudan kara waajibaadkaa iyaga ah. Haddaba waa hagaage maxaa tolow ugu wacan ee ay haddaba ay taayirka la rogi la`adahay?

Inta badan dalalka uu ka jiro keligii talisku amase xukunnadaa diktaatooriga ah ayaa lagu yaqannaa inay isku shaandhayn u adeegsadaan muddadiiba mar si waxa ay kala walaaqayaan ugu qariyaan, markaa waa in kolba la maqlo hebel maanta ayaa buulka la dhigay iyo hebel ayaa xil loo dhiibay iwm.

Sida qaalibka ah dawladaha ku dhaqma maamul wanaagga iyo daah-furnaan maqli maysid wasiirro la isku shaandheeyo ama wada CIMRI GAAB AH dhanka xil haynta, waxaana kuwaa caado ah in ay isla dhammeeyaan xilliga hoggaamiyaha ku eegyahay xilkiisu, haddii aan mar dambe la soo dooran oo ay dhacdo markaa inu sameeyo wejiyo cusub haddii uu u baahdo, sidoo kale mararka duruufaha adag ayaa iyana ay taa adeegsadaan gaar ahaan haddii u jiro ECONOMIC RECCESSION iyagoo uga dan leh inay fuliyaan qorshe dhaqaale oo ah nooca loo yaqaanno GUNTI GIIJISKA sida ka socota dalalka Greece iyo Italy iyo kuwo kale ee burburka dhaqaale soo wajahay, waxa kale oo sidaa la adeegsadaa xilliyada ay dal soo wajahaan colaado ee u galo xaalad dagaal iwm.

Waxaynu ka warqabnaa in xilalka wasiirrada meesha ay ka jirto xisaabtanka dhabta ihi ay saxaafaddu isha ku hayso wixii ku lug leh musuqmaasuq ama isa daba marin iyo dhanka qiimayntoodaba oo sidaa aanu u qarsoomin kii aan si huffan u gudannin waajiibaadka u qarankiisa u hayo, marka fashilaadda noocaasi ay dhacdona waxa dabcan ku xigta inuu waayo geed uu ku hoos gabbdo dabadeedna uu isaga qudhiisu ISCASILO inta aan xil ka xayuubin lagu samyayn taasoo ay nidaamada dimuqraadigu u arkaan fadeexad aan qof ku ekkayn balse saamynaysa xukuumadda gebi ahaanteed.

marka laga tago dhowr wasiir waxaad arkaysaa in laba sannadood wasaardaha ay is beddeleen 3/4 sida warfaafinta oo la kowsatay Geel jire, uu ku xigay Xaabsade u haddana Boobe u igman yahay haddii laba sannadood loo qaybiyo average ahaan inta bilood ee wasaaraddiiba qof joogay waxay noqonaysaa 3 divide by 24months oo ula mid ah in 8dii biloodba u yimaaddo wasiir cusubi taaso waayadan dambe loo samystay hadal anshax darro ku ah nidaamka dawliga ah oo muujinaya baaxadda msusuqa iyo isdabamarintu halka ay gaadhay oo aan siyaasan meel ku lahayn dhaqanka dawlad wanaagga waana marka ay yidhaadaan XILALKU WAA MEERTO IYO WAA QAYB KA MID AH SUNNAHA DAWLADNIMO ereyadan gurracan ayaa ah kuwo loogu bannaysanyo in lagaga takhalluso kuwii wax qabanayay balse dano hoose lagu heshiin waayay halka beddelkooda loo SUNNAYNO kaba leefyo aan weligood awr hallaabay cidu weydiin.

Haddaba waxa dadweynaha la yaab ku noqotay sida looga takhullasay wasiirkii hore ee maaliyadda mudane Maxamed Xaashi Cilmi oo Ummaddu gebi ahaanteed mucaarid iyo muxaafidba loo qiray inu ahaa daacad islamrkaana dhiig iyo naf geliyay dhaqaale curyaansan, xattaa wasiirkii ay hoos ka tuurka lahaayeen ee ka horreeyay mudane Cawil Cali Ducaale ayaa ka mid ah inta Mr: Xaashi u quudhay inuu la yimi karti dheeraad ah, sidoo kale wuxu ammaan xad dhaaf ah ku muttaystay is hortaagga boobka hantida qaran oo ay ummadda oo idiliba ka wada war hayso.

Ugu dambayn waxaynnu ogsoonnahay in dayman badan oo doorashadii u Kulmiye ku galay lagu leeyahay, xoolahaasi oo dadkii laga amaahday u Maxamed Xaashi caqabad ku noqday balse haatan la filayo in hawl yaraan loo bixin doono”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.