WorldRemitAds

Waxaa mar kale loo diiwaangeliyay arrimaha dunidan Layaabka ku noqday kadib markii qoys isqaba ay ninkii dishay haweenaydii xaaskiisa ahayd, isna uu miciinsaday inuu bileyska u dalbado

Akhriste sida dunida inteeda badan la isla wada qirsan yahay raggu waa hogaanka qoyska, waxaanay leeyihiin awooda ugu badan, si kasta oo looga doodo iyo wax kasta oo lagu dadaafeeyo haddana way adag tahay in awoodaasi ka suusho.

Hase yeeshee waxa dhacdo layaabka adduunka ku biirtay oo aad loo qariibsaday noqotay, haweenay dagaashay ninkeeda oo inta ay gacanta u qaaday dhulka ugu tuurtay, markii uu naftiisa u baqdayna uu booliska gurmad ka dalbaday.

WorldRemitAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga   @Saxafi

Layaabka kale ee dhacdadan ayaa ah in ay ka dhex dhacday qoys Islaam ah, oo ka soo jeeda waddan dadkiisu Islaam yihiin, dhaqan ahaana ay ceeb ku tahay in gabadhu ka awood sarayso ninka.

Sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka dunidu, Nin u dhashay dalka Turkiga ayaa miciinsaday telefoonka gurmadka deg deg ah ee arimaha halista ahii marka ay kula soo gudboonaadaan loo qaylo dhaan dirsado ee Booliska.

Ninkan oo ku nool dalka Jarmalka ayaa sida la sheegay waxa feedh raaxadda kaga qaaday xaaskiisa. Sida boolisku sheegeen waxa xaaskiisu kula dhaqmaysay mudo afar sanadood ah cadaawad waxaanay ka kaxaysatay laba caruur ah oo ay isku dhaleen, ka dibna waxay bilowday inay hoosta ka soo xidhato qolka Hurdada isna wuxuu mudo afar sanadood ah deganaa qolka fadhiga, hasa yeeshee markii danbe xaaladu way ka soo dartay oo waxay habeenkii ugu danbeeyay ka dalbatay inuu si dhakhso ah uga guuro guriga si ay uga raaxaysato oo ay nafis uga hesho.

Hasa yeeshee markii hadalku ka duulay ayaa dagaal la iskula kacay, ka dibna waxa ay feedh kaga qaaday raaxadda, xiligaas oo dantu baday inuu miciinsado oo la hadlo booliska arimaha deg deg ah loogu yeedho inay ka soo gurmadaan.

Inkastoo wakhtiyo badan ay jiri jirtay in haweenku u yeedhaan ama dalbadaan booliska sanadihii u danbeeyay waxa dunidda ka shaac baxday in ragu qaylo dhaan dirsadaan oo booliska la hadlaan ama ka dacwoodaan maxkamadaha ka dib markii haweenku bilaabeen inay gacanta u qaadaan meelo badan ragooda.

Dallal badan oo ka tirsan dunidda gaar ahaan qaaradda Yurub ayaa la sheegay in saadaal ururin laga sameeyay tilmaamayso in 7% ragga ku nooli ay dumarkooda ka cabanayaan. Booliska dalka Jarmalka ayaa intaa ku daray in wakhtigan ninkaas lagu hayo goob boolisku leeyihiin si looga badbaadiyo xaaskiisa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.