WorldRemitAds

Arrimo badan oo layaab leh ayaa mar walba ka dhaca dunidan aynu ku noolahay, kuwaas oo mahadho ku noqda dadka maqla ama kuwa goob jooga ka ah, sida dhawaan ka dhacday dalka Maraykanka ka dib markii oday da’ ah oo deganaa waqooyiga Carolina uu ku dardaarmay in marka uu dhinto lala aaso gaadhi uu lahaa iyo hub uu haystay.

Odaygan oo aan magaciisa la shaacin, ayaa warbaahintu soo warisay dhimashadiisi iyo sidii dardaarankiisan layaabka leh loo fuliyay, ka dib markii uu dhawr cisho ka hor geeriyooday, ka dibna xabaal wayn oo isaga iyo gaadhigiisa wada qaada loo qoday.

Odaygan oo dhintay isaga oo da’diisu tahay sagaashan jir, waxa uu ku dardaarmay in marka uu dhinto, lagu dhex rido gaadhi uu lahaa, ka dibna maydkiisa la fadhiisiyo kursiga wadaha, hub kala duwan oo uu lahaana loo saaro, kursiga rakaabka ee hore.

SomlegalAds

Gaadhigan uu ku dardaarmay in lala aaso oo noociisu ahaa Albontiak, Model 1973, waxa Maydkiisa lagu riday sidii uu ku dardaarmay, kursiga dirawalka, ka dibna waxa garabkiisa la dhigay hubkii uu lahaa oo dhan, kuwaas oo sidii uu ku dardaarmay loo wada raaciyay.

Qaar ka mid ah eheladiisa oo la waydiiyay sababta uu odaygani ugu dardaarmay in gaadhigiisa iyo hubkii uu lahaa lala wada aaso, ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan, laakiin mid ka mid ah dadkii ay asxaabta ahaayeen oo xabaasha dusheeda warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in dardaarankiisu la xidhiidho waxyaabo uu aaminsanaa oo uu rumaysnaa in haddii hubkiisa lala aaso ay suura gal tahay inuu iska difaaco waxyaabo uu aamisan yahay in qabriga ay ugu iman karaan.

Goobtii xabaasha looga qoday odaygan ayaa noqotay meel si wayn u soo jiidatay, warbaahinta isla markaana sababtay in dad badani yimaadaan goobta si ay u daawadaan iyaga oo siyaabo kala duwan dhacdadani u soo jiidatay, waxa la arkayay sawiro iyo muuqaalo laga baahiyay dad tiro badan oo sawiro ka qaadaya, gaadhiga uu ku dhex jiray maydka iyo hubkii odaygaas.

Warbaahinta ayaa aaskan ku tilmaantay kii ugu layaabka badnaa, dadkii ugu badnaana ka soo qayb galaan, iyaga oo sababo kala duwan uga soo qayb galay, waxaana maydka odayga, gaadhiga iyo alaabtiisi, si xabaasha loogu rido loo adeegsaday wiishashka qalabka cul culus lagu qaado, ka dib markii muraayadaha loo wada dalacay ayaa ciida lagu rogay oo lagu aasay, xabaal dhawr mitir gaadhaysa, ama lagu aasi kari lahaa, dhawr qof sida mid ka mid ah wariyayaasha shabakada wararka ee CNN- uu ku waramay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.