WorldRemitAds

Mid ka mid ah Jariiradaha ugu waaweyn dalka Lubnaan, ayaa dhaqaale xumo soo waajahday awgeed, albaabada la isugu laabay, si rasmi ahna daabacadeedi u joojisay.

Jariirada Assafir ee dalka Lubnaan ka soo baxda ayaa musalaftay, wakhti dad badani filayeen inay u dabaal degto sadex iyo afartan guurada aasaaskeedi ka soo wareegtay oo ku beegnayd maalintii ugu danbaysay sanadkii dhamaaday ee 2016ka.

Hasa yeeshee maamuulka jariirada Assafir ayaa taa badalkeedi shaaciyay in albaabada loo laabay, oo ay sidaa ku xidhantay, dhaqaalo xumo sababtay inay musalaftaana soo food saartay, sidaana ay ku go’aansadeen inay si kama danbays ah u xidhanto.

SomlegalAds

Jariirada Assafir ayaa sida warbaahinta kala ee dalka Lubnaan ku warantay, shan iyo tobankii bilood ee ugu danbeeyay, bur bur dhaqaale ku habsaday, waxaanay maamulka wargeyskaasi ku guul daraysteen inay musharahkii shaqaalaha ee wargeyska iska bixiyaan.

Jariirada Assafir oo ka mid ah wargeysyada ugu taariikhda dheer dalka Lubnaan iyo dunidaba ayaa sababo dhaqaale u xidhmay, waxaanu cadadkiisi ugu danbeeyay soo baxay subaxnimadii sabti, kaas oo warfidiyeenada iyo tifaftirayaasha ka hawl galaa u doorteen, inay ku soo xidhaan, “Ciwaan far waaweyn ku qoran, oo u dhignaa sidan, Lubnaan ama Waddanku wuxuu laga bilaabo maanta noqon doona mid bilaa safiir ah.”

Taas oo macnaheedu ka dhigan yahay, in cadadka Wargeyska ee Sabtidii soo baxay ugu danbayn doono, daabacada wargeyska Assafir, ee qarnigii tagay ka midka ahaa kuwa ugu afka dheer dunida, wakaaladaha wararka aduunkuna ay xigtaan.

Wargeyska Assafir ee dalka Lubnaan ayaa si wayn ugu soo shaac baxay fadeexadii, Iran Contra loogu magaca daray, taas oo ruxday dalka Maraykanka gaar ahaan, madaxweynihii xisbiga Dumuqraadiga ee wakhtigaas, Jimmy Carter, kaas oo ku guul daraystay in mar labaad loo doorto xilka Madaxtinimada dalka Maraykanka.

Waxa kale oo jariirada Assafir ay caan ku ahayd baahinta faalooyinka siyaasadeed ee dalka Lubnaan iyo kuwa gobolka iyo baadhitaano tiro badan oo ay dibada ku soo dhigtay, danbiyo ama siro ka daahnaa dunida.

Madaxweynaha cusub ee dalka Lubnaan Michele Aoun iyo wasiirka warfaafinta dalka Lubnaan ayaa ka hadlay, dhibaatada dhaqaale ee warbaahinta qoraalka ah ku habsatay, ee sababtay in wargeyskii ugu magaca dheera dalkaasi xidhmo, waxaanay balan qaadeen in dawladu dedaal ka geli doonto sidii loo badbaadin lahaa wargeyskaas taariikhiga ah ee Assafir, taas oo daabacadeedi ugu horaysay soo baxday 31-kii December 1974-kii, cadadkeedi ugu danbeeyay ee ay ku xidhantayna ahaa 31-kii December 2016ka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.