WorldRemitAds

Mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ugu balaadhan qaarada Yurub, ayaa qiimo dhimistii ugu waynayd dunida, u samaysay macaamiisheeda, waxaanay shirkada Norwegian Airline ay shan jeer laab ka hoos u dhigtay, qiimihii lagu iibsan jiray tigidhadeeda duulimaadyada London Ilaa New York.

Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, shirkada ayaa sideed iyo lixdan dollar oo kaliya ka dhigtay, qiimaha tigidhadeeda London Ilaa New York, halkii ay caadiyan ka ahaayeen, Lix boqol oo dollar, shirkada ayaa sheegtay inay macaamiisheeda u samaynayso abaal marintii ugu saraysay.

Sida shirkadu sheegtay, qof kasta oo ka mid noqda dadka raacaya duulimaadyada shirkada ee qiimaha jaban, waxa lagu sooryeeyay oo ay shirkadu u diyaarisay, soo dhawaynta ugu saraysa iyo maamuuska dabaqada koowaad.

SomlegalAds

Taas oo laga simay dhamaan rakaabka kala duwan ee diyaaradaha shirkada ku safray, qaar badan oo ka mid ah dadkii fursada u helay duulimaadyadii fasaxyada sanadka cusub iyo ciidii kirismiska ayaa saacado raaxo leh ku sii qaatay dulimaadyadoodi.

Waxa kale oo ay ka heleen macaash aad u badan, oo waxa bad baaday, boqolkiiba lix iyo sideetan ka mid ah qiimihii ay caadiyan ku iibsan lahaayeen tigidhada duulimaadkooda London ilaa New York, waxaanay talaabadan shirkadu qaadatay, noqotay qiimo dhimistii ugu waynayd abid, taas oo dad badani ku tilmaameen, duulimaad bilaash aan waxba ka dhicin ama lacag la’aan oo kale ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.