WorldRemitAds

Inta badan marka dadka xumadi qabato, waxa ay ku cararaan goobaha dawooyinka lagu iibsho, si ay u helaan, kiniinada kaar jabinta ama xanuun biiyaha loo yaqaan, hasa yeeshee khubarada caafimaadka ee dunida ayaa sheegay in isticmaalka kiniinada kaar jabintu ay dhibaato badan leeyihiin, suura galna ay tahay in qofku u dhinto.

Baadhitaan ay dhawaan samaysay, xarunta ka hortaga iyo xanuunada u qaabilsan Maraykanku sheegtay, waxa sanad kasta dalkaas oo kaliya dawooyinka xanuun jabinta loo isticmaalo ugu dhinta dalkaas, shan boqol oo qof dad tiradooda lagu qiyaasay.

Warbixin xaruntani soo saartay oo maalintii shalay lagu daabacay shabakada “Time” ee dalka Maraykanka lagu sheegay in sanad kasta shan boqol oo qof ay u dhintaan, isticmaalka kiniinka “Methadone” loo yaqaan oo kaar jabinta loo isticmaalo, dadka badankooduna rumaysan yihiin inuu yahay ka ugu fiican, xumada iyo madax xanuunka.

SomlegalAds

Kiniinkan oo ka mid ah kuwa loogu iibsiga badan yahay, waxa sida warbixintani tilmaamayso sanad kasta laga isticmaalaa afar milyan oo xabbo, waana ka ugu badan ee dhakhaatiirtu u qoraan dadka ka cabanaya xumada iyo xanuunada fud fudud, hasa yeeshee sida warbixinta lagu cadeeyay waxa kiniinkan si aan xisaab lahayn u isticmaala dadka daroogooda la qabsaday oo u dhibaataysan xanuunada ka dhasha.

Digniintan xukuumada federaalku soo saartay lagaga digay isticmaalka kiniinka “Methadone”, taas oo ilaa wali ah ta ugu horaysa ee kaar jabinta loo isticmaalo, dhakhaatiirtuna u qoraan dadka qandhaysan.

Madaxa xarunta ka hor taga iyo daweynta xanuunada ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo, Thomas Frieden, ayaa sheegay in sanadihii u danbeeyay ee tobanka ahaa, kor u kacday, dhimashada ay sababtay, isticmaalka kiniinka “Methadone” iyo kiniinada kale ee kaar jabinta loo qaato, waxaanu xusay in sanad walba tirada dadka u dhimanayaa sii kordhayso, haddii aan deg deg wax looga qabana ay kiniinada xumad jabintu noqon doonaan masiibo qaran.

Sida warbixino kala duwan oo hay’adaha caafimaadka aduunka u qaabilsan iyo khabiirada darsa arrimaha caafimaadku marar kala duwan soo saareen, cadaynayaan, waxa sanad walba dunida guudkeeda isticmaalka kiniinada xumad jabinta ugu dhinta, kumayaal qof, kuwaas oo la garan waayo sababta dhimashadooda.

Sida warbixinahani sheegeen, kiniinada xumad jabinta oo qaar badan ay ku jiraan, maadooyin darooga ah, ayaa marka la badsado, qofku la qabantin la sameeyaa, ka dibna dhibaato u gaysta unugyada difaaca jidhka, taas oo laga yaabo in ugu danbaynta ay sabab u noqdaan, caafimaad daro soo gaadha ama dhimasho deg deg ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.