WorldRemitAds

Kaniisada Kaatoliga ee dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday, in ardayda dugsigeeda hoose dhigta, boqolkiiba sagaashan ay yihiin Muslimiin, taas oo ah xaalad ku cusub oo ugub ku ah kaniisada Kaatoliga ee dalka Ingiiriska sida ay warbaahinta dalkaasi ku warantay.

Jariirada (Daily Express), ayaa sheegtay in afhayeen u hadlay kaniisada Kaatoliga ee Ingiriisku uu sheegay in afartan arday oo kaliya ay yihiin, masiixiyiin mad-habta kaatoliga rumaysan, halka guud ahaan ardayda dugsigaas tiradoodu ka dhan tahay 400-Arday.

Dugsiga hoose ee kaniisadan oo ku yaal xaafad ay muslimiintu u badan yihiin, waxa ardayda dhigata ka mid ah rag imaamyo ka ah masaajidada xaafadaas, waxa kale oo ardayda ku jira kuwo ay dhaleen rag culimaa’udiin ah oo muslimiin ah.

SomlegalAds

Jariirada ayaa si gaar ah diirada u saartay, duruusta iskuulkaasi bixiyo iyo waxyaabaha ardayda la baro, kuwaas oo ay wax ka waydiisay, maamulaha dugsigaas oo lagu magacaabo John Gopinz, kaas oo jariirada u sheegay in casharada ay carruurta u dhigaan boqolkiiba shan iyo toban ka mid ahi la xidhiidhaan barashada diinta kiristaanka ah, gaar ahaan mad-habta kaatooliga.

Maamulahan ayaa sidoo kale ka waramay, in ardaydu sameeyaan masrixiyado iyo ruwaayado la xidhiidha sooyaalkii iyo fiditaankii diinta kiristaan oo qaar ka mid ah mataalaan, mucatabka iyo waxyaabaha ay rumaysan yihiin dadka Kaatoliga ahi.

Guddoomiyaha guud ee maamulka dugsiyada hoose ee Kaatoliga, isla markaana ah boobka ugu sareeya kaniisada Kaatoliga ee dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Rev. Bernard Kelly, oo isna xaaladan ka hadlay, ayaa sheegay in korodhka xad dhaafka ah ee ardayda muslimiintu muujinayso isbadalka kaniisadu samaysay, iyo tadawurka ay ku talaabsatay, oo cadaynaya in xanaanaynta iyo tarbiyadaynta ubadka ay kaga wanaagsanaadeen dhamaan xarumaha iyo iskuulada muslimiintu leeyihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.