WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, March 22, 2012, (Saxafi) – Degaanka lagu magacaabo dhagax madow oo 15-km woqooyi ka xiga magaalada Boon ayaa la sheegay inay soo waajahday biyo la’aan khatar ku haysa dadka iyo duunyada deegaankaasi kaddib markii ay gudheen ceelashii ugu dhawaa ee dadka iyo xoolaha degaanbkaasi ka cabbi jireen.

Roob yaraan ka dhacday dhulkaasi sannadihii aan dhaafnay ee ay sababtay abaarta iyo biyo la’aanta deegaankaasdi ayaa keenay in laba maalmood ka hor maamulka degmada Boon markii ugu horreysay la gaadho gurmad biyood.

Maxamed Muuse Barkhadle, ku xigeenka Maamulka golaha deegaanka ee Boon oo ka hadlay biyo yarida deegaankan ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii il gaar lagu eegi lahaa dadka iyo duunyada deegaankaasi loona baahanyahay gurmad.

SomlegalAds

Sida warku sheegay dad iyo xoolo badan oo isugu yimi biyo yar oo halkaa loola gurmaday ayaa qaarkood la sheegeyaa in markii ay biyahaasi cabbeen ay goobtii ku suuxeen maadaama jidhkooda ay biyuhu ka dhammaadeen. Odayaal ka tirsan degaankaasi oo la hadlay weriye goobtaas tagey ayaa u sheegay in xaaladda abaareed iyo biyo yaraantu keentay in dadkii deegaankaasi magaalooyinka galaan qaarkoodna xoolo yar oo u soo hadhay ay degaanno kale ula qaxaan, waxaana ay xukuumadda, hay’adaha samafalka iyo qurbajoogga ka soo jeeda deegaankaasba ka dalbadeen inay u hawlgalaan sidii dadka degaankaasi biyo loo gaadhsiin lahaa, ama ceelal loogu qodi lahaa. Waxaana ay Odayaashu sheegeen in hadii biyo la’aantaasi sii socoto ilaa bishan dhammaadkeeda xaaladda wixii dhulkaa hadhay ee dad ama duunyo ahi la kulmi doonaan khatar galaafata noloshooda.

Deegaankan Dhagaxa madow ayaa afartii sanadood ee u dambaysayba dadka deegaankaasi iyo kuwa ka tagay meelo kaleba  ka qodan jireen macdanta la yidhaa Emeraldka, iyaddoo wasaaradda macdata iyo biyuhu  sannadihii aan soo dhaafnay liisammo u siisay ganacsatada gobolka, isla markaana sannad walba ka qaadda lacagaha cashuurta ah. Waxaana ay dadkaasi buur-qodaalka ah suuqooddda dhinaca macdantu ku xidhanyahay sidda warku sheegay oo ay hadba waxogaa macdantaasi ah marmar u iibgeysan jireen dalalka Jabuuti iyo meelo kale, in kasta oo maadaana aanay haysan qalab casri ah marar badan dhibaato badani kasoo gaadho qoditaankaasi.

Waa markii ugu horreysay ee deegaankan laga soo sheego biyo la’aan halis gelin karta noolaha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.