Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa haatan u muuqda inuu ka nastay rabshadihii dhinaca siyaasadda ee lagu bilaabay ilaa markii u Madaxweyne Siillaanyo u magacaabay Badhasaabka Gobolka Awdal. Waxaana aad moodaa in rabshadahii u wareegeen dhinaca Badhasaab Fahmi Cabdi Bidaar oo in muddo ahba ama intii la magacaabayba gobolka Saaxil ku joogaya deggenaansho iyo rabshad la’aan.
Badhasaab Ramaax oo ah Badhsaabkii labaad ee gobolka Awdal ku yimaadda isku shaandhayn madaxweyne Siillaanyo ku sameeyey badhasaabada gobolada dalka ayaa waxa ka horeeyey Cabdoo Aayir, iyaddoo masuuliyiintaasi intii ay xilka gobolka hayeen bulshada kala kulmay rabshado dhinaca siyaasadda ah iyo dareenno xambaarsan qolo nacayb, Somaliland diidnimo, mudaaharaadyo, shiid iyo toogashooyin lala beegsan jirey guryahooda iyo xafiisyadooddaba iyo dacaayado loo mariyo warbaahinta kala duwan siiba shabakadaha reer Awdal ee gudaha iyo debeddaba.

Marka laga yimaaddo waxyaalaha gobolkan ku soo maray Badhsaab Ramaax, waxa uu haatan u muuqdaa nin ka nastay waxaas oo dhan kana badbaaday duufaanadii ku soo maray tartanadii ciyaaraha gobolada iyo weerarada jabhadii Wabar ee burburtay, waxaanad mooddaa in rabshadahaasi kuwa ku dhaw balse aan la mid ahayni haatan gobolka Saaxil uga bilowdeen Badhsaab Fahmi Bidaar oo haatan la tacaalaya waxyaalo maalin kasta ka nixiya maamulkiisa, sida dilal uu ugu dambeeyey kii u ku dhintay taliyihii Birmadka ee gobolkaasi, ayna ka horreeyeen ama ka dambeeyeen rabshadihii haamaha shidaalka, kuwii taageerayaasha Waddani ah, kuwa dhulka danta Guud ah iyo wersheddii sibidhka iyo wersheddii Laydhka, kuwii maxjaradda iyo kuwa kale oo qarsoon. Badhasaab Fahmi oo isaga si aad ah loogu soo dhaweeyey gobolka Saaxil dhibtii la mariyay badhsaabada Awdalna weli isaga taabanin, ayaad haatan mooddaa in wakhti adag oo rabshado siyaasadeed lihi u bilaabanayo, kuwaasoo aan la ogeyn inay ka soo saari doonaan iyo inuu sii haysan doono mid ka mid ah xafiisyada ugu ladan badhasaabada dalka dhinaca dhaqaalaha oo uu wax badan ku difaacay rabshado ku soo socday kursigiisa, maamulka dawladda iyo dadweynaha reer Saaxilba.