WorldRemitAds

Haweenay Bukaan da’ ah oo u dhalatay dalka Shiinaha ayay maxkamad ku taala dalkaasi amar ku riday, kaas oo aan ku saabsanayn denbi ay gashay ama qof kale ka soo dacwootay oo lidi ku ah, balse ay la xidhiidho in laga saaro cusbitaal looga taag waayay oo si kastoo ay u bogsato laga saari kari waayay.

Haweenaydan oo muddo toban sano ah cusbitaalka dacweeyay ku jirtay, ayaa lagu guul daraystay isku dayo tiro badan oo lagu doonayay in cusbitaalka ay kaga baxdo, ka dib markii sida la sheegay loo dhameeyay dhamaan wixii adeeg ah ee ay cusbitaalka uga baahnayd wakhti hore, balse iyadoo ku doodaysa inaan si fiican loo dawayn ay diiday inay ka baxdo cusbitaalka.

SomlegalAds

Xaalada ayaa ka sii dartay ka dib markii dhawaan ay ku soo biireen laba gabdhood oo ay dhashay kuwaas oo la soo degay, qolkii ama qaybtii ay jiiftay islaantaasi, sida hawl wadeenada cusbitaalku ku doodeena culays wayn ku sii noqotay.

Maxkamada Gobolka Choyung, oo amarkan soo saartay isniintii todobaadkii hore ayaa sida wargeyska The Global Times ee dalka Shiinaha ka soo baxaa ku waramay, waxa ay amartay in haweenaydan oo lagu magacaabo, Ms. Gao deg deg looga saaro, cusbitaalka oo ay deganayd ilaa sanadkii 2008-dii, ayna diiday inay ka baxdo iyadoo ku andacoonaysa inaan si fiican looga dawayn wadne xanuun ay qabtay.

Waxa kale oo maxkamadu amarkeeda iyo samanka islaantan ay u qortay, ku amartay inay haweenaydaasi bixiso, aduun lacageed oo dhan, laba boqol iyo toban kun oo Yuan ah, taas oo ah lacagta dalka Shiinaha laga isticmaalo, una dhiganta (34185 dollars), oo maxkamadu ku tilmaantay kirada muddadii ay sida hudheelka oo kale u daganayd cusbitaalka.

Dhinaca kale qareenka haweenaydan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xukunka maxkamada iyo amarka ay soo saartay, waxaanu sheegay in wakiilkiisu ay xaq u lahayd in la baadho cabashadeeda oo cid madax banaani ka garnaqdo ama soo baadho, balse uu garsooruhu dhegaystay oo kaliya dacwadii iyo eedihii cusbitaalka.

Waxa kale oo uu garyaqaanku wax lagu qoslo ku tilmaamay, bukaan cusbitaal xoog lagaga saarayo oo haddana lacag kiro ah, oo ku saabsan hurdadii iyo muddadii uu deganaa cusbitaalka laga doonayo, taas oo uu xusay in aanay waafaqsanayn sharciga dalka Shiinaha oo adeega caafimaad ee muwaadiniintu bilaash yahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.