Dhawaan ayaa deraasad cusub waxay sheegtay in dhaqdhaqaaqa badan ama jimicsi qofku sameeyo ama firfircoonaantu ay yareyso in qofka uu ku dhaco xanuunka halista badan ee kansarku.
Deraasadan oo lagu daabacay wargeyska “Health Day News” waxa hogaamiyaha kooxda baadhitaankan samaysay oo u dhashay dalka Kanada laguna magacaabo Frednrich Christine, uu isagoo ka hadlaya natiijadii uga soo baxday baadhitaankooda uu yidhi, “Waa Suura gal inaynu nidhaahno, ama aan odhan karno, fir fircoonaanta badan iyo dhaq dhaqaaqu waxay yareeyaan halista iyo cabsida in xanuunka Kansarku ku dhici karo, qofka taas oo ay cadahay in fadhiga badani sababi karo waxa dhaq dhaqaaqa badani yareeyo.” Sidaa waxa yidhi madaxa kooxdii baadhitaankan samaysay oo u dhashay dalka Kanadda.
Khabiirkan ayaa ku talinaya in qofku toddobaadkii sameeyo 150-Miridh oo socod ah, si uu halistaa uga badbaado haddii shaqadiisu fadhi u badan tahay, waxaanu isagoo taas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa wanaagsan haddii aad tahay qof inta badan wakhtigiisa fadhiya, inaad isku daydo sidii aad uga dhex samaysan lahayd wakhtigaaga maalin walba shan iyo toban daqiiqo oo jimicsi ah, si aad uga badbaado halista Kansarka, neef Mareenka iyo Naasaha ee haweenka ku dhaca.”
Gaba gabadii waxa uu khabiirkani ku soo xidhay hadalkiisa, suura galnimada fadhiga badan iyo dhaq dhaqaaq yaraantu haddii ay awal ahayd mid looga cabsi qabo qofka, xanuunada wadnaha iyo dhiig karka, waxa aynu imika odhan karnaa xarakaad la’aanta iyo fadhiga badani waxay horseedaan, ama xidhiidh la leeyihiin arrimaha sababa Kansarka Neef Mareenka iyo Naasaha ku dhaca.
Haddaba si qofku uga gaashaanto haddii uu had iyo jeer hor fadhiyo Kaambuyuutar ama hawl maalmeedkiisu yihiin kuwo fadhiga lagu qabto waxa u wanaagsan inuu sameeyo jimicsi ama socod maalin walba gaadhay shan iyo toban daqiiqo, taas oo ka badbaadin doonta xaalado badan iyo xanuun kala duwan oo asiibi kara ama fadhiga badan ka dhalan kara.