Hargeysa, Somaliland December 17, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa dalka ku soo laabtay ka dib safar uu ugu maqnaa dalka Ethiopia iyo Ismaamulka Soomaalida ee kililka shanaad, waxana ku soo dhawayeey madaarka Cigaal masuliyiinta sare sare oo xisbigaas ah iyo tageerayaal tiro badan.

Safarkaasi waxa uu ahaa safar sii xoojineye cilaaqaadka labada dal hadday tahay Itoobiya iyo hadday tahay kililadda, masuuliyinta aanu la kulanay oo aanu uga waran xalaada uu wadanku ku sugan yahay hadday tahay dorooshooyinka, diiwangeelinta iyo abaaraha ka jira dalka. ”
Suiaal laga waydiiyey gudoomiye Cirro loolanka loogu jiro kursiga gudomiyanimada baarlamaanka Somaliland ayaa uu ka gaabsaday inuu jawaab cad ka bixiyo isagoo sheegay in markii hore ee loo doortay gudoomiyaha laga xushay golaha dhexdiisa, kuna sifeeyay in cidii doonaysa kursiga uu hada ku fadhiyo laga dooran doono golaha dhexdiisa, waxana jawaabtiisu u dhignayd sidan “Horta anigu markii aan golahaasi gudoomiye ka noqonayey golaha ayaa i doortey, ninka I bedeli doonana golaha ayaa dooran doona intaas baan kaga bixi doonaa arrinta. ”
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ay weheliyaan gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed iyo masuulyiinta xisbigaasi ayaa waxaa ay booqasho ugu tageen hoyga uu degan yahay xaaji Cabdikariim Xussen (Cabdi Waraabe) oo maalmihii u danbeeyey xanuun u jiifay.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu xaaji cabdi waraabe ilaahay uga baryey inuu caafimaad siiyo, isla markaana uu ka dul qaado xanuunka.
Sidoo kale xaaji Cabdi Waraabe ayaa waxaa uu uga mahad celiyey gudoomiyaha booqashada ay maanta ugu yimadeen isaga iyo waftiga uu hogaaminayo waxaana uu halkaasi xaajigu gudoomiyaha ku siiyey waanooyin wax ku ool ah isgoona kula dar daarmey in uu xisbiga waddani ka ilaaliyo khilaaf ka dhex curta.