WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 24, 2015 (Saxafi) – Dadweynaha Somaliland qaar ka mid ah ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay guddi madaxweynuhu u saaray isku socodka iyo nabadgelyadda Somaliland iyo Somalia, kuwaas oo laba cisho ka hor shirkooddii u horeeyey ku yeeshay magaaladda Hargeysa.

Dadweynaha Oo AragtiGuddidan ayaa dadka ka hadlay sheegeen in aanay wax badan ka ogeyn shaqadoodda, isla markaana hal mar uun ay ku war heleen guddidaasi oo shiraysa, waxaanay madaxweynaha kula taliyeen inuu si fiican u cadeeyo ujeedadda guddidan. “Guddidan maan maqal goortii uu madaxweynuhu magacaabay, waxaanse maqalnay uun markii ay shirkooda qabsadeen, marka madaxweynaha waxaan leeyahay madaxweyne Guddida ujeedadda aad u magacowday si fiican noogu sharax, waayo madaxweynuhu guddiyo badan ayuu magacaabay oo aanan arag iyagoo shiraya, laakiin guddidani markiiba shirar ayey iskugu yimaadeen ee bal sharaxaad naga sii”ayuu yidhi Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa dadweynaha magaaladda Hargeysa.
Axmed Muxumed Warfaa ayaa isna soo dhoweeyey guddidan iyo shirarkooda, waxaanu timaamay in arrimaha socdaalka iyo amniguba muhiim tahay in laga shaqeeyo, waxaanu yidhi “Anigu waan soo dhoweynayaa guddidan iyo shaqadan loo diray, waayo xaga socdaalka dadku dhibaato badan ayey kala kulmaan oo Passporka Soomaaliya halkan lagama qaadan karo, lagumana soo gali karo, inta badan dadku passport Soomaali ah ayey haystaan oo arrimahoodda dibadda ku tagaan, marka arrimaha socdaalka iyo siyaasadda waa in la kala saaraa si dadweynaha loogu daneeyo”.
Sidoo kale, waxa isaguna arrintaasi ka hadlay Xasan Cali Aadan oo sheegay in gudida markii uu maqlay uu shaki ka muujiyey, “Horta guddida waxay qabanayso ayaa iska yar, hore waxa u jiray gudidii wada hadaladda kuwaasi guul ma soo hoyn waa kii lagu kala kacay, marka guddidan sidii kuwii hore uun bay noqon doonaan waayo Soomaaliya ma ogolo in si fiican aan u wada hadalno”.
“Anigu ma garanayo waxa la isku soconayo iyo isku socodku wuxu yahay, dee ma xadkii baa la furey, ilaa hadda ma fahmin isku socodku wuxuu daaran yahay”ayuu yidhi Cismaan Maxamed.
Si kastaba ha ahaatee, Dadweynaha ayaa siyaabo kala duwan uga faaloonayey, waxaanay intoodda badan rajo xumo ka muujinayeen waxay gudidani qaban doonto iyo hawlaha loo xil saaray, iyadoo goobaha la iskugu yimaado aad loogu hadal hayey.
Guddidan ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan isku socodka labadda dal iyo arrimaha amniga, waxaanay ku doodeen in qadiyadda Somailand mar walba hogaaminayso.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.