WorldRemitAds
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa habeen hore soo saaray isku-shaandheyntii uu isku beddel, xil ka qaadis iyo magacaabisba ugu sameeyey xubno ka mid ah agaasimayaasha guud ee wasaaradaha, guddoomiyayaasha gobolada dalka, komishanka maamul wanaagga, la taliyayaashiisa iyo masuuliyiinta hay’ado kale oo ka tirsan laamaha dawladda.

Isku shaandheyntan oo aan lagu taataaban golaha wasiirrada iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha muhiimka ah ayaa uun laga eryay tiro yar oo masuuliyiin ah, tiro badanna lagu magacaabay.
Isku-shaandhayntii guddoommiyeyaasha goboladaDadweynaha Boorama iyo qaar ka mid ah masuulyiinta gobolka Awdal kaga jirta xukuumadda ayaa isku shaandheyntan u fasirtay mid xukuumaddu ku kala jeclaysanayso beelaha dalka, iyagoo tusaale usoo qaatay xil ka qaadista Tv-ga qaranka lagaga eryey Qaasim Xasan Mataan, xilkaasina loogu daray beelaha reer Hargeysa.
Qaasim Xasan Mataan oo aan xil iyo xafiis shilis toona ka haysan Tv-ga qaranka, isla markaana ahaa ku xigeen aan awood lahayn ayaa erigiisu mar kale soo cusboonaysiiyey xidhiidhka xumaaday ee beelaha u Suldaanka u ahaa Wabar ee deegaanka Boorama, kuwaasoo maleeshiyo beeleed dagaal kula jirtay xukuumadda muddo sannad ah, dhawaanta waanwaan lagusoo xereeyey.
Marka la eego xilka laga qaaday ku xigeenka Maareeyaha TV-ga qaranka iyo saamaynta eriskiisu durba ku yeeshay beelaha Gobolka Awda ayaad moodda inaanay isku miisaan ahayn. Iyagoo badi qaybo ka mid ah dadweynaha gobolku haatan dareemayaan in tallaabooyinka lagu dhimayo xilalka reer Awdal ka hayeen gobolku tahay dagaal hoose oo aan la isku ogeyn. Inkastoo aan la ogeyn in Madaxweyne ku xigeenka iyo masuulyiinta Golaha wasiirada kaga jiro beelaha gobolka lagala tashaday arrintan, ayaa badi loo arkaa in xilkaasi ahaa xil loo tirinayey beelaha deegaanka Boorama oo reer Hargeysa loogu daray, sidaa darteedna waxaa ay u qaateen in xukuumadda Kulmiye sii kordhisay xumaan ay u arkaan in ay u haysay beelaha reer Awdal, gaar ahaana kuwa Boorama maadaama masuulyiintii beelaha kale ee gobolka ama Boorama la iskugu bed-bedelay xilakii ay ka kala hayeen Gobolka Saaxil iyo dib u dejinta xilka madaxtooyadana loogu sii daray, isku shaandhayntanina tahay mid loogu sii quus gooyey.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.