Hargeysa, Somaliland, December 24, 2015 (Saxafi) – Munaasibad balaadhan oo lagu xusayo dhalashada Nabigeenna Suuban NNKH ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Munaasibadda oo hotelka Maansoor lagu qabtay ayaa lagu waynaynayay dhalashada Nabigeena SCW, waxaana ka qayb galay wasiir kuxigeenka warfaafinta Marwo Shukri Xariir iyo haween tiro badan.

Dhinaca kale, munaasibad lagu xusayey Dhalashaddii nabigeena ayaa iyaguna isla magaaladda lagu xusay, waxaana ka soo qaybgalay siyaasiyiin mucaarad iyo muxaafad iskugu jira, waxaana isku soo dubadda riday Xildhibaan Axmed Yaasiin Ayaanle taas oo si weyn loogu xusay magaaladda
Sidoo kale, inta badan goboladda iyo degmooyinka Somaliland ayaa si weyn loogu xusay dhalashadda nabigeenna.