WorldRemitAds
Muqdisho, Somalia, December 24, 2015 (Saxafi) – Dawladda Soomaaliya ayaa hay’adda cuntada adduunka ee WFP ku eedeysay in ay dhibaato ku tahay wax soo saarka beeraha Soomaaliya, waxaana sida la sheegay ay hay’adu raashin dhacay ka qaybisay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka degmada Afgooye Cabdulaahi Xasan Toogane ayaa sheegay in hay’addu ay deegaanka keento galey dhacday, xilliyada ay soo go’ayaan dalag-yada kala duwan ee beeraha.
“Hay’addu galeyCunto dhacday oo ay WFP keentay Somalia ayey ka keenaysaa qaaradaha ugu fog-fog ee adduunka, waxaa macquul ah kiishka galeyda ah oo waliba laga yaabo in uu 30-sano ku jiray bakhaar kayd ah in ay halkan ku keento lacag dhan $80, ” ayuu mas’uulkan ku yidhi hadal uu siiyay warbaahinta.
“Annagana kiishka galeyda ah ee cusub ee waliba fareeshka ah waxaa laga yaabaa in dalka gudihiisa lagu helo lacag dhan 20 dollar ilaa iyo $25 doollar, marka hadii ay hay’addu wax qabanayso gallayda cusub ee dalkeena ka baxda inta ay iibsato ummadda dib ha ugu celiso” ayuu mar kale yidhi Toogane.
Guddoomiyaha ayaa arrin khatarteeda leh ku tilmaamay inay hay’adda WFP raashinka dhacay ku soo beegto, xiliyada ay soo go’ayaan dalag-yada qaybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya.
“Waxaan arintan u dareensanahay caqli ahaan iyo waliba cilmi ahaan-ba in WFP ay lug-gooyo ku tahay Soomaaliya, sababtoo ah raashinka dalka kama iibsato, misana xiliga ay bixinayso waa xiliga ay dalka wax u soo go’aan, “ ayuu mar kale tilmaamay Toogane oo arintan ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.
Ugu dambeyn, Hay’adda WFP ayaan ka hadlin cabashooyinka joogta ah ee ka soo baxaya beeraylada Soomaaliya, taas oo ku aaddan in hay’adda WFP ay niyad-jabinayso beeralayda Soomaaliyeed, kuwaas oo mararka qaar la kulma khataro ay ka mid-yihiin daadadka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.