WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 24, 2015 (Saxafi) — Ururka Wadaniga ah ee HYDA ayaa daah furay Mashruuca Barbaarinta Caruurta Da’yarta ah.

Munaasibad lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Hargeysa oo uu soo agaasimay Ururka HYDA ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxda Ururkaasi, Masuuliyiin Sare sare oo ka kala socday Wasaarada Wa barashashada iyo Hayda PHARO FOUNDATION oo mashruucan maal galinaysa.
Ururka HydaUgu horeyn Agaasimaha HYDA faah faahin ka bixiyey mashruucaasi waxaanu yidhi “Mashruucani wuxuu ka koobnaan doonaa in la sameeyo waaxdii ka shaqaynaysay Barbaarinta Caruurta waxaana loo tababari doonaa Macalimiintii, waxa kale oo loo samayn doonaa manhajkii ay ku shaqayn lahaayeen macalimiintaasi waxa kale oo loo dhisi doonaa School-lo 14 Fasal ah, waxaana laga dooran doonaa 7 School oo ku yaala Magaalada Hargeysa. Waxaanu rajaynaynaa inay Schoolada Dawliga ahi noqdaan meel ay kasoo bilaabmaan Barbaarinta Caruurta”.
Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxaan Mashruucan diyaarinaynaa anaga (HYDA) iyo Wasaarada Waxbarashadu mudo Sanad ah oo aanu u gudbinay Hay’ada PHARO Foundation oo aanu ka dhaadhicino Muhiimada ay leedahay, waayo anagu Hay’ad ahaan waxaanu eegnaa Mashaariicda Dalka wax taraya, ee runtii taabanay min fiqiir ilaa taajir, markaa waa inaynu helnaa Caruurta yar yar ee Guryaha jooga ee aan waxbarashada helin ee waalidkoodna aanu awooda u lahayn inuu lacag qaaliya ka bixiyo inaanu ku xidhno dugsiyada  Dawliga ah si ay hadhaw ugu fududaato Waxbarashadoodii aasaasiga ahayd. Waayo qofka soo mara barbaarinta Caruurtu wuxuu ka duwan yahay kii aan soo marin” ayuu yidhi  Khaalid Aadan Cabdi waxaanu u mahad celiyey Wasaarada Waxbarashada iyo Hay’ada PHARO Foundation.
Dhinaca kale Caasha oo ka socotay Hay’ada PHARO Foundation ayaa dhinaceeda ka hadashay Mashruucan waxayna tidhi “aad baan ugu mahad celinayaa HYDA oo la timid Fikradan Cusub oo wadankana baahi ka jirta ahayd, waayo wax walba waxa laga bilaabaa waxa weeyaan Asaasiga, Markaa ilmaha hadii aan Asaasigiiba la siinin waxa meesha maqnaanaya aqoontii ilmaha ee Barbaarinta, arintaasi markaa waxay u baahan tahay in waalidkii lagaga dhaadhiciyo.”  Ayey tidhi Caashi.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashad iyo Taclinta Sare Yuusuf Cismaan Garas oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Munaasibadaasi ka soo qayb galay ayaa  ka waramay Muhiimada ay leelahay Barbaraarinta Caruurtu waxaanu ku dheeraaday sida loogu baahanyahay barbaarinta Ubadka inta ka horeysa iskuulka ee ay yar yaryihiin.
Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye ayaa isaguna dhiciisa yidhi “Mashruucan aynu maanta halkan ku haynaa waa wax loo baahnaa, markii hore inagu waynu lahayn Barbaarinta laakiin mid cilmiyaysan muu ahaan jirin, waxaynu samayn jirnay markuu ilmuhu afar jir gadho waxa la gayn jiray Malcaamad oo lagu tababari jiray, looma dhigi jirin quraan uun laakiin wax badan baa la bari jiray. Barbaarinta Caruurta waxa lagu barayaa ilmaha waxaanu lahayn wuxuu leeyahay, wuxuu yahay, wuxuu noqon doono, ilmuhuna marka maskaxdiisa loo sii daayo ee la yidhaa wax samee wuxuu samaynayaa wuxuu doonayo waxaasuun buuna Mustaqbalka noqon doonaa” ayuu yidhi Axmed

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.