Daraasad Cadaysay In Qosolka Qofka Lagu Ogaan Karo Xanuunka Sirqada (Dementia) Ee Gabowgu Keeno

0
35
PropellerAds

Cilmi baadhis caafimaad oo dhawaan laga sameeyay dunida, ayaa daaha ka rogtay habka ugu wanaagsa ee lagu ogaan karo, xanuunka Somalidu u taqaano Sirqo ee marka dadku gaboobaan ku soo baxa, kaas oo afafka carabiga iyo Ingiriiskana lagu kala yidhaahdo (Kharf iyo Dementia).

Baadhitaan ilaa lixdan qof oo gaboobay lagu sameeyay oo looga dan lahaa sidii wax looga ogaan lahaa, xanuunkan gabowgu keeno, marka uu dadka ku dhaco astaamaha ay yeeshaan iyo waxyaabaha ku soo baxa ayaa dhamaantood dadkii la mariyay natiijo isku wada mid ahi ka soo baxday.

Warbixin lagu daabacay wargeysyada arrimaha caafimaadka ka warama ee dunida ayaa lagu cadeeyay in dadku marka ay kolba sii waynaadaan, uu xanuunka Sirqadu ku sii bato, waxaana caadiyan ay dadka waaweyni si siman uga wada hadhaan qosol qosolka iyo xiisaynta sheekooyinka majaajilada ah.

Waxaanay taas macnaheedu noqonaysaa mar kasta oo qofku sii waynaado oo uu gaboobo in aanu jeclaysan waxyaabaha madaadalada ah, waxaanu taa  badalkeeda ka xiiseeyaa ka sheekayntooda iyo inuu isaga laftiisu qof dadka ka qosliya noqdo.

Maskaxda Bina Aadamka iyo XanuunDaraasadan oo ay samaysay kuliyada caafimaadka maskaxda ee Jaamacada London University ee dalka Ingiriisku, waxa lagu baadhay ilaa lixdan qof oo islaamo iyo odayaal da’doodu todobaatan jir dhaaftay u badan, waxa ay dhamaantood mareen baadhitaan sida imtixaanka oo kale ah, kaas oo lagu eegayay, xaaladaha iyo duruufaha aadamiga saamaynta ku yeesha dareenkooda, sida qosolka, naxdinta iyo xaaladaha la xidhiidha.

Qof kasta oo kamid ah lixdankan qof ayaa la mariyay imtixaankan, waxaana markii baadhitaanku u dhamaaday laga soo saaray, natiijo isku wada mid noqotay, taas oo lagu cadeeyay in dadka gabooba ee Sirqadu ku dhacdo uu ka guuro dareenka qosolka iyo madadaalada, kaas oo qofba qofka uu ka yar yahayna ku badan.

Xaaladan ayaa keenta in dadka gaboobay ee (Dementia)-da, qabaa aanay helin dareen qosol iyo farxad badan, waxase ay jeclaystaan in iyagu ay dadka ka qosliyaan, sida warbixintu sheegtay waxa ay dadka gaboobay ka maad iyo qoslin badan yihiin xitaa dadka majaajilaystayaasha caanka ah, laakiin iyaga marna qosol iyo madadaalo uma sameeyo waxa dadka kale ka qosliyaa.

Sida baadhitaankan cilmi lagu sheegay, qofka wayn marka uu qoslo, waxa suura gal ah, inuu isku ilaawo oo ilko cadaynta uu kaga fiicnaado dadka yar yar, waana sababta ay baadhayaasha reer Ingiriis ee daraasadan sameeyay u tilmaameen in qosolku yahay habka ugu fiican ee lagu garan karo heerka xanuunka Sirqadu gaadhsiisan tahay, ee calaamada u noqon kara qofka qaba (Dementia)-da.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.