WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 3, 2016 (Saxafi) – Magaaladda Hargeysa waxa soo gaadhay Shixnadii ugu horeysay ee Daamur ah oo loogu talo-galay in lagu dhaqaajiyo Wershadda Cusub (Mixerplant) ah ee ay dawladda hoose ee Hargeysa soo iibsatay, isla markaana lagu dhisayo waddooyin casri ah oo ay yeelanayso caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Maayar ku-xigeenka, Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne) oo ay weheliyaan  qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa ka qayb galay bandhigga qaybtaa hore ee daamurka ah oo lagu soo bandhigay goobta ay ku taallo Wershadda (Mixerplant-ka) ee Naas Abaarso oo lagu rakibay qalabkii wadooyinka lagu dhisayey, isla markaana ay sugayeen uun Daamiirkii wadooyinka oo dhowaan si rasmiya u bilaabmi doonaa.

Maayarka caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa sheegay in daamurkani muhiim u yahay istaadhka Wershadda Cusub, isla markaana uu noqonaya bilowga sameynta waddooyinka ugu muhiimsan  caasimadda ee ay ka midka yihiin jidka Madaarka Hargeysa tagga ee ka bilaabma Saldhigga dhexe ee Bileyska ee Hargeysa ilaa Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo waddada labaad ee halbowlaha ah ee daba marta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

SomlegalAds

8999333356Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko ayaa dadweynaha ugu baaqay inay la shaqeeyaan dawladda hoose, isla markaana  qaybtoodda ka soo baxaan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“Haddii beri aanu mishiinkii oo qudha aanu sii istaadhno oo aan damuur loo hayn, waxba may tarteen. Shaqadii imika ayey bilaabmaysaa oo way dhamaystirmaysaa, waxana dadweynaha ugu baaqaynaa oo ka dhiman shidaalkii iyo shaqaalaha gacantooda. Waxaanan leeyahay dadweynaha hadaanay ka qayb gelin waxaas oo qallab ah aanu isu soo dul dhignay way istaagayaan, markaa waxaan leeyahay dadweynaha hawshaa nala qabta oo nagala soo qayb gala,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Sidoo kale, maayar ku xigeenka caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa isna sheegay inay sanadkan noqonayso sanadkii dawladda hoose, isla markaana ku talo jiraan inay wadooyin casri ah oo la tartamo kuwo caalamka ka hirgaliyaan caasimadda Hargeysa.

Maayor ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa intaas ku daray qorshahooda ku aadan tayeynta bilicda caasimadda, isla markaana ugu baaqay dadweynaha in ay kaalintooda ka qayb qataan hawlgalada ay dawladda hoose wado, waxana hadalkiisa uu dhigna sidan “Dadweyanaha waxa aad naga sugayseen waa waxqabadkii, waanad arki doontaan waxqabadkayaga insha Allaah waxa aanu noqon doona golihii deegaanka ee ugu waxqabadka badnaa.”

xoghayaha fulinta dawladda hoose ee HargeysaSidoo kale, Xildhibaanada Golaha Deegaanka ayaa iyaguna soo jeediyay in dadweynaha caasimaddu kala qayb-qaataan oo ay isbarbar taagaan sidii ay u hirgelin lahaayeen wax ka qabashada waddooyinka caasimadda.

Dhinaca kale, Xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee Hargeysa  Mr:Axmed Maxamed Cabdilaahi Darajo ayaa ka warbixiyey muddooyinkan dambe wixii dawladda hoose u suurogalay iyo dardargalinta mashaariicdii sanadkii hore ka hadhay dhamaystirkeedda, waxaanu dadweynaha usoo jeediyey inay la shaqeeyaan dawlada hoose ee Hargeysa oo uu sheegay inay ku mashquulsan tahay jidadka, bilicda iyo amaanka caasimadda.

Axmed Darajo oo warbaahinta ugu waramayey xafiiskiisa ayaa ka hadlay muddooyinkan dambe hawlihii u dambeeyey ee ay ka wadeen caasimadda, waxaanu yidhi “ dakhligu waa tiir dhexaadka ay dawladuhu ku socdaan, haddii aan dakhli la helina wax soconayaa ma jirto, waxaanu baryahan dambe ku jirnay dakhli ururin, iyo kor u qaadidda koboca dhaqaale ee dawladda hoose, waxaana wadnaa cashuur ururin, waxaana ku jirta olole degmooyinka cashuurta loogu ururinayo, wixi ku baaqmay sanadkan cashuuurta sidii ay u bixin lahaayeen, waxaana ku jirnay baryahan dambe degmadda Koodbuur, waxaana dadweynaha gaar ahaan degmada Koodbuur uga mahad naqayna sida wanaagsan ee ay u noqdeen cashuur bixiye wanaagsan, muwaadinkana waa ku waajib  inuu cashuurta bixiyaan si wadanka wax loogu qabto, wax badan oo aynu tabayna inoogu suurogasho, degmooyinka tartan baanu ku galinayna sidii dakhliga u soo xareen lahaa, degmo kasta waxa wax loogu qabanaya dakhliga ay soo saarto”

Xaga bilicdda caasimadda mar uu ka hadlayey waxa uu yidhi “ qalabka dawladda hoose soo iibsatay, waxa toddobaadkan noo yimid Daamurkii wadooyinka lagu samayn lahaa,marka uu daamurkaasi noo soo wada xaroodda ayaanu bilaabayna jidadka, waxa kale oo aanu wadna wadooyinka caasimada kabkii, waddo kasta inta go’day waxaanu ka wadna kabab oo wadooyin badan baanu buuxinay, Wadadda madaarku wel-wel faro badan ayey nagu haysaa, waxaana ku tallo jirna sidii ay wadooyinkaasi u dhismi lahaayeen, wadadda madaarku waa ishii ay dadku ku qiimaynayeen magaaladda marka ay diyaaradda ka soo degaan, dadweynaha waxaan leenahay meelihii la calaamadayey ha ka guuraan si aanay hadhow u caban oo aan la odhan dawladda na burburisay, imika ka sii guura ayaanu leenahay, wacyigelin faro badan ayaanu wadnaa oo dadweynaha leenahay ha ka sii guuraan goobihii la calaamadiyey ”.

Xoghayuhu waxa uu sheegay in ay wadaan hagaajinta iyo qurxinta Bilicda caasimadda, waxaanu sheegay salaaso kasta ay shir ku galaan madaxtooyadda, kaasi oo ay kaga hadlaan kor u qaadidda bilicda caasimadda Hargeysa.

Xoghaye Axmed Darajo ayaa sheegay in mashiinadda laydhka magaaladda dhexdeedda laga saari doonno oo koonfurta iyo waqooyiga magaaladda loo rari doono, isla markaana Xadhkaha foosha xun ee laadlaada dib loo habayn doono taas oo aanay gaadhi doonin gaadiidka waaweyn ee xamuulka.

Waxa kale oo uu xusay in Boodhadhka lagu dhajiso wadooyinka dhexdeedda la fujin doono, iyadoo loo qorshayn doono meeloka baxsan wadooyinka oo aan bilicda wax u dhimayn.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in gaadiidka loo samayn doono goobo ay istaagaan oo Baarkina ah, si aanay foolxumo ugu noqon ama aanay cidhiidhi ugu noqon jidadka waaweyn ee caasimadda.

Xoghayaha Axmed Darajo ayaa sheegay inay wadaan labaddii mashruuc ee sanadkii hore ka hadhay mashruuca JPLG-ga ee wadadda gubato iyo Cawaale Jadhoon oo hadda gabo gabo maraya, waxa kale oo uu intaas ku daray in jidka labaddda boqol ee Mitir ee magaaladda ku wareegaysa ay xoog iyo xoolaba galiyeen, taas oo dhabarka u riday dawladda hoose ee Hargeysa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.