WorldRemitAds

Dubai, August 3, 2016, {Saxafi} – Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Emirates ayaa shalay  ku bur burtay garoonka diyaaradaha ee Dubai, xilli ay soo caga dhigatay wadada run-wayga ah.

Illaa 275 rakaab ah iyo shaqaalaha diyaarada ee saarnaa ayaa la bad baadiyay, ka hor inta aanu baahin dabka ka kacay diyaaraddu.

Diyaarada ayaa ka soo kicitintay magaalada Trivandrum ee dalka Hindiya, iyadoo ku soo wajahneyd magaalada Dubai.

SomlegalAds

Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay diyaarada oo qiiq iyo uuro badan ka baxayo, waxaana la joojiyay dhamaan howlihii duulimaad ee garoonka diyaaradaha Dubai.

Xafiiska warbaahinta dowladda Dubai ayaa sheegay in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana dhamaan rakaabkii diyaarada saarnaa ay bed-qabaan.

Lama oga illaa iyo hada waxa ka dhigay cilada ay ku bur burtay diyaarada, waxaana socda baadhitaano.

Garoonka diyaaradaha Dubai ayaa ka mid ah garoomada caalamiga ee ku yaala bariga Dhexe ee ugu mashquulka badan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.