WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 4, 2016 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland, ayaa shalay soo saartay amar ay ku mamnuucayso Baasabooradda Soomaaliya ee sida qarsoodiga ah loogu samayn jiray Somaliland in aan madaaradda lagaga dhoofi Karin, isla markaana aan lagu soo gali Karin.

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Sareeyo Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), iyo Agaasimaha arrimaha gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Maxamed oo si wada jir ah shirjaraa’id ugu qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in gabi ahaanba aan Somalilnad lagu soo gali  Karin, lagana bixi Karin Baasaboorka Soomaaliya ee lagu dhex sameeyo Somaliland, waxaanay sheegeen in qalabkii lagu samayn jirey ay in badan qabteen.

“Maanta (shalay) waxaa aanu ka hadleynaa arin aanu hore uga hadalney oo ku saabsan Baasaboorka foojariga ah ee dalka Soomaaliya ee lagu dhex sameeyo Somaliland, waxaana aanu cadeynaynaa in aan Baasabooradaasi lagu bixi Karin, isla markaana aan lagu soo gali karin Somaliland cidii arintaasi lagu qabtana ay tahay danbiile qaran”ayuu yidhi Agaasimaha Arrimaha Gudaha Cabdifataax Siciid.

SomlegalAds

Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray inay qabteen qalabkii lagu samayn jiray, isla markaana kuwo kalena u daba jiraan soo qabashadoodda, waxaanu yidhi “Waxaa kale oo aan halkan ka shaacinayaa in qeyb badan oo ka mid ah qalabka lagu sameeyo Baasabooradaas aanu gacanta ku soo dhigney walina waan ku daba jirnaa kuwa kale”

Sidoo kale, waxa isaguna arrintan ka hadlay taliyaha laanta socdaalka Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) waxaana uu sheegay in  Baasaboorka Soomaaliya ee ay mabnuuceen uu yahay ka foojariga ah ee lagu soo qoray  waxaa laga  bixiyey gobol ka mid ah Somaliland sida (Baasaboorkan waxaa laga bixiyey Hargeysa , Burco, Borama Ama Laascanood ) oo kale  waxaana uu yidhi: “Baasaboorka aanu diidanay ee aanu dalka ka mabnuucney waxaa weeye ka foojariga ah ee ay ku qoran tahay waxaa la bixiyey Somaliland , Baasaboorka caadiga ah ee dalka Soomaaliya waxa uu la  mid yahay Baasaboorada  dalalka kale,  balse ka aanu uga digeyno bulshada Somaliland waa kaas foojariga ah cidii sidatana waanu uga digeynaa ”

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta gudaha ayaa maalmahan dambe qorayey in Baasaboorka Soomaaliya lagu dhex sameeyo gudaha Somaliland, isla markaana ay wakiilo laanta Socdaalka Soomaaliya ahi u joogaan wadanka, kuwaas oo gudaha Somaliland ku dhex bixiya, halka qaarkood dad ganacsato ahi ku dhex sameeyaan, kuwaas oo ay ku qoraan Baasaboorkan waxa laga bixiyey magaalooyinka Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.