WorldRemitAds

Dalal badan oo ka tirsan koonfurta bari ee qaarada Eeshiya waxa ku sii badanaya, dhaqanka dadka carabta, waxaana waddamo badan wakhtiyadii u danbeeyay ku faafayay dharka iyo caadooyinka laga isticmaalo waddamada khaliijka carabta.

In kasta oo dhaqan ahaan wax badan caadooyinka waddamada Khaliijku shaabahaan ama raad ku leeyihiin, diinta Islaamka, dalal badan oo muslim ahna aanay dhibaato ku ahayn, haddana waxa uu dhaqanka carabtu ugu baahay waddamada bariga Eeshiya hab ganacsi iyo soo jiidasho leh.

Dalalka Thailand, Singapore, Malaysia, Vietnam iyo Indonesia ayaa ah meelaha ugu badan ee dhaqamada iyo caadooyinka khaliijka carabta, waxyaabaha sida wayn looga dareemi karo suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee dalalkan ayaa ah, habka labiska iyo dirays qaadka dadka carabta ah, cuntooyinka ay isticmaalaan iyo waxyaabaha ay dhaqanka u leeyihiin.

SomlegalAds

Wariye ka tirsan wakaalada wararka ee Reuters oo ku sugan caasimadda dalka Thailand ee Bangkok ayaa faalo uu ka diyaariyay, waxyaabaha cusub ee ku soo biiray, magaalada kuna soo badanaya, sheegay in ay ugu badan yihiin, dhaqamada iyo caadooyinka dalalka Khaliijka carbeed.

Wariyahan ayaa soo sawiray wiil dhalinyaro ah oo sida cuntooyinka lagu qureecdo ee loogu jecel yahay, marka la joogo Riyaad iyo Kuwait, waxa kale oo uu sawiray wiilkaas oo ku labisan dhar u eg kuwa carruurta ama da’yarta khaliijku xidhaan.

Ninkan wariyaha ah oo wakhtiga uu warbixinta diyaariyay ku sugnaa, hudheel lagu magacaabo AlKhaliij kaas oo ay iska caadi tahay, in aad ku aragto, ganacsatada iyo dadka ladan ee khaliijka ka yimaada, oo la hor qab qabanayo girgirayaasha bukhuurka ama uduga kala duwan lagu shido, iyaguna cimaamadaha ku carfaya.

Wariyahan ayaa sidoo kale xusay in heesaha hudheelka ka baxayaa yihiin, kuwo khaliiji ah, halka ninka mulkiilaha ka ah, hudheelka iyo dhamaan shaqaaluhuna si fiican ugu wada hadli karaan, luuqada carabiga, sida wariyuhu tilmaamay ninka leh hudheelkan iyo shaqaalihiisu waa kuwo ka soo wada shaqeeyay waddamada Khaliijka wakhtiyo kala duwan, aadna u yaqaana dhaqanka iyo habka loo ixtiraamo dadka hodanka ah ee carabta ah.

Sababta ugu wayn ee dadka reer Thailand u samaynayaan, ama ugu dhaqmayaan caadooyinka iyo dhaqamada Khaliijiyiinta ayaa la xidhiidha arrimo dhaqaale, sababtoo ah dadka eeshiyaanka qaar badan oo ka mid ahi ma aaminsana diinta Islaamka waxaana dhici karta, meelo badan oo Thailand ka  mid tahay in muslimiinta iyo Buudhisamku col yihiin oo sababo dhinaca isirka ah isku laayaan, laakiin in is badal dhaqan oo Islaam ka soo jeedaa ku bato waxa ugu wacan lacag raadin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.