WorldRemitAds

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa hawada dalka Maraykanka ka bilaabay Hawl Galo basaasid ah oo ay ku waajahayaan, xarumaha iyo saldhigyada Nukliyeerka Maraykanka ee Gudaha dalkaas, waxaanay diyaaradahani basaasi doonaan dhamaan dhaq dhaqaaqyada iyo hawl galada ka socda saldhigyada iyo xarumaha wax soo saarka Nukliyeerka Maraykanka.

Hawl galadan oo Dawlada Ruushku Sheegtay in lagaga hor tagayo, halis ka dhalan karta hubka nukliyeerka Maraykanka, waxa kale oo duulimaadyada diyaaradaha wax lagu basaaso ee Ruushku, noqon doonaa mid socon doona ilaa bisha soo socota ee August badhtamaheeda.

Laba diyaaradoo oo noocoodu yahay, (Tupolev TU 154 M), ayaa bilaabay hawl galadan basaasida hubka Nukliyeerka Maraykanka, waxaanay si xor ah u dul duuli doonaan, hawada sare ee dalka Maraykanka iyo meel kasta oo ay macluumaad uga baahdaan, waxaanu hawl galkaasi qayb ka yahay, heshiis Maraykanka iyo Ruushku isla qaateen in lagu ilaaliyo heshiiskii xakamaynta hubka Nukliyeerka ee labadaas waddan u dhexeeya.

SomlegalAds

Heshiiskan dalalka Nukliyeerka haysta isla markaana horumarka ka gaadhay, isugu ogolaanayaan inay isku basaasaan, oo loogu magac daray, (Open Skies), ayaa lagu heshiiyay sanadkii 2002-dii, waxaana dal kastaa kula soconayaa in waddanka kale ee xafiiltanku ka dhexeeyaa kordhiyay tirada Madaxyada loo ogol yahay inuu haysan karo.

Inkasta oo dalalka Heshiiskan saxeexay ahaayeen afar iyo sodon dawladood, oo dhamaantood horumar ka gaadhay, farsamaynta Nukliyeerka adeegsigiisa kala duwan, ee koronta ka dhalinta iyo hubka wax gumaada ka samayntiisa, ayaa haddana Ruushka iyo Maraykanka mooyee aanay waddamadii kale wali awoodin in ay basaasi karaan macluumaadka Nukliyeerka ee dalka kale.

Dawlada Maraykanka ayaa dhawaan si rasmi ah Ruushka ugu ogolaatay in diyaaradihiisu bilaabaan hawl galada basaasida, Maraykanka ayaa si wayn uga baqaya in Ruushku siyaabo kale u adeegsado, isla markaana kalsooni daro badan ka qaaday, awooda basaasideed ee diyaaradaha Ruushka oo awood u leh in Macluumaadka ay doonayaan heer kasta oo uu gaadhsiisan yahay ay heli karaan, iyagoo adeegsanaya hanaanka Satalayt-ka oo ay Maraykanka kaga horeeyaan.

Ruushka ayaa Maraykanka kaga horeeyay Sahaminta hawada sare iyo samaynta Dayax Gacmeedyada, waxa kale oo Ruushku Maraykanka kaga fiican yahay, diyaaradaha basaasa dhulka hoostiisa, taas oo ay u fududaysay horumarka Ruushku sideetamaadkii qarnigii hore ka gaadhay, sahaminta hawada ee Aataarta, Biyaha, Shidaalka iyo waxyaabaha dhulka hoostiisa ku duugan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.