WorldRemitAds
Shirkad dalka Hindiya ku leh hudheelo waaweyn ayaa sheegtay in ay macaamiisheeda u soo kordhisay, diyaaradaha aan duuliyayaasha lahayn ee Drone loo yaqaano, kuwaas oo ay ugu keeni doonaan, cuntooyinka ay ka dalbadaan, gaar ahaan cidii dalbata Pizza-ha oo ay diyaaradaasi u keeni doonto.

Shirkadan ayaa sheegtay in sababta ay ugu kacday talaabadani tahay mid ka dhalatay cidhiidhiga iyo saxmada jidadka ee dalkaas oo sababtay in dadka soo dalbada Pizza-ha ay ku adkaatay in si deg deg ah loogu gayn karo.
Maareeayaha Hudheelada shirkadaasi maamusho oo lagu magacaabo, Fransescuz, ayaa wargeyska Indian Times u sheegay in Shirkadooda oo lagu magacaabo, Miguel, ay bilaabayso adeeg cusub oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka loo yaqaano oo marka ay Pizza-ha soo dalbadaan loogu keeni doono.
Maareeyaha Shirkada Miguel waxa kale oo uu sheegay inay tijaabiyeen diyaaradoodan cusub ee aan duuliyaha lahayn, ayna awooday in laba km ay si fiican u qabato wixii adeeg ah ee looga baahnaa, waxa kale oo uu xusay in ay awood u leedahay duulimaad 121-Mitir ah inay joog sare ku duuli karto iyadoo qaadi karta Markiiba dhawr xabadood oo Pizzaha ay macaamiishu soo dalbadaan ah.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.