WorldRemitAds
Haweenay Siyaasiyad ah oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan dalka Faransiiska laguna magacaabo, Christiane Taubira, ayaa sida fiinta uga qayliday, heerka midab takoorka ee dalkaas ka jirta, taas oo ay ku tilmaantay mid aan la sii eegan karayn, waxa kale oo ay xustay in mar walba nafteedu aragto ama lagula kaco waxyaabo aanay qaadan karayn.

Haweenaydan oo dhawaan iska casishay xilka wasiirka cadaalada ee dalka Faransiiska ayaa mar ay qayb gashay dood ay qabteen qaar ka mid ah warbaahinta dalkaas ayaa soo bandhigtay cadaymo tiro badan oo muujinaya midab takoorka lagula kacay iyo af xumada loogu gaysto midabkeeda, wax yaabaha ay wasiirku ka cabanayso waxa ka mid ah daanyeerka iyo Muuska oo hal hays u ah kooxaha xag jirka ee cunsuriyiinta.
Dhinaca kale doodo la xidhiidha midab takoorka lagula kaco dadka madow ee dalalka Reer Galbeedka oo saxaafada France ka warantay todobaadkan, ayaa muujinaya in ay gaadheen meel aad adag oo qarka u saaran in ay isku dhacaan labada mushtamac ee madowga iyo cadaanku.
Wargeysyada Le Monde iyo Libération, ayaa soo bandhigay sawiro ay ku tilmaameen cunsuriyad iyo midab takoorkii ugu xumaa, kuwaas oo ah qaar lagu baahiyay bogaga xidhiidhka bulshada ee Face book iyo Twitter-ka.
Sawiradan ayay ka muuqdaan, haweenaydan lagu magacaabo, Christiane Taubira oo hore sanadkii 2012-kii, isugu sharaxday Madaxtinimada dalka Faransiiska oo lagu garab sawiray daanyeer loo ekaysiinayo, taas oo sida ay wargeysyadu tilmaameen ah ceeb iyo meel ka dhac.
Waxa kale oo labada wargeys ay soo sawireen sawiro Daanyeero loogu ekaysiiyay Madaxweynaha dalka Maraykanka Iyo Afadiisa Barack Obama iyo Michelle Obama, kuwaas oo iyaga laftoodu la xidhiidha ololaha midab takoorka ah ee kooxaha cunsuriyiintu kula kacayaan ama ku faquuqayaan dadka Madow.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.