WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 28, 2016, (Saxafi) – Wadamada reer galbeedka ee dowlada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen dib u dhigista doorashooyinkii qaabsoomi lahaa wakhtigoodii 26 June 2015, waxaana ay ku dhiiri geliyeen xukuumadda Axmed Maxamed Siillaanyo iyo axsaabta mucaaridka ah in doorashooyinka dib loo dhigo.

Barnaamijka Newsmakers oo ah barnaamij toddobaad leh ah oo ka baxa telefishanka TRT ee dalka Turkiga ayaa bishan February 23-keedii baahiyay barnaamij nuxurkiisu ahaa xaaladda guud ee dalkii la isku odhan jiray Somalia iyo muxuu yahay mustaqbalka Somalia? Waxana marti ku ahaa barnaamijka Professor Kenneth Menkhaus oo culuunta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Davidson College ee dalka Ingiriiska, weriye ka tirsan shabakada wararka qaaradda Afrika ee Daily Maverick oo fadhigeedu yahay magaallada Johannesburg ee dalka Koonfurta Afrika Simon Allison iyo weriye Hodan Naaleeyeh oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland gaar ahaan gobolka Sool oo iyana soo saarta barnaamij la yidhaahdo Isdhexgalka.

Waxana barnaamijka su’aal lagaga weydiiyey weriye Simon Allison, sida uu arko saami qaybsiga beelaha dawladda federaalka Somalia ku salayso siyaasadda dalkaas, waxana uu weriye Simon kaga jawaabay sidan. “Waxa aan u malaynayaa in siyaasadda qabaa’ilku ay leedahay qaab ay u shaqeyso oo la fahmi karro. Waana shayga muhiimada ugu mudan leh waxa hadda socda. Waxa kale oo jira xubno ku loolamaya ama tartamaya sidii ay u ogaan lahaayeen sida ay u dhici doonaan ama habka doorashooyinka la filayo in ay qabsoomaan sanadkan 2016.

Laakiin, waxa aan ka walaacsan-nahay arrinta doorashooyinka Somaliland oo qorshuhu ahaa in ay qabsoomaan sanadkii hore. Sida la xaqiijin karro, diblomaasiyiin reer galbeed ah ayaa ii sheegay in ay ku dhiirigeliyeen xukuumadda iyo axsaabta siyaasadda Somaliland in ay dib u dhigaan doorashooyinka oo wakhtigaas loogu jiray diyaar garow. Waxaana ujeedada ay ka lahaayeen ee ay dib ugu dhigayeen ay ahayd oo ay doonayeen inay ka soo hor-maraan doorashooyinka Soomaaliya. Markaa, waxaa ay anniga iigu muuqataa in sifo khaldan loo haggaasinayo ama dib loogu riixayo hanaanka dimuquraadiyadeed iyo doorashooyinka Somaliland, halka doorashooyinka Somalia laga dhiiri gelinayo, waxaana halkaas kaaga soo baxaysa qaabka khaldan ee la doonayo in wax loo qabto. Xaqiiqaddu waxa weeye, in aan indhaha laga qarsan karrin meelaha wax wanaagsani ay ka socdaan ee ay tahay in la dhiirigeliyo.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.