WorldRemitAds
Berbera, Somaliland, February 28, 2016 (Saxafi) – Kulamo lagaga arrinsanayo xidhiidhka ganacsiga ayay shalay isugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socday xukuumadda Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ka furmay hudheel Maansoor oo ku yaala magaalada Berbera, kaas oo socon doona laba maalimood February 27 – 29.

Masuuliyiinta ka qayb gashay shirkan dhinaca Xukuumadda Somaliland waxa ay kala ahaayeen  wasiirka wasaarrada Ganacsiga Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), agaasimayaasha guud ee wasaaradaha arrimaha dibada, arrimaha gudaha, hawlaha guud, taliyaha guud ee ciidanka bileyska, taliyaha ciidanka bada, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, halka weftiga ka socday dalka Itoobiyana uu ka koobnaa  16 wasaaradood oo ka tirsan dowlada federalka ee Itoobiya. Shirkan oo noqonaya kii 4aad ee noociisa ah ee dhexmara Somaliland iyo Itoobiya oo lagaga hadlayo arrimaha ganacsiga iyo amanka sidii loo horumarin lahaa,
Waxa ugu horeyn madasha shirka ka hadlay wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga calaamiga ah Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo sheegay in ay xukuumadda Somaliland ka go’an tahay sidii ay u soo dhoweyn lahayd dalka Itoobiya, una samayn lahayd iskaashi dhinac walba leh, islamarkaana ugu horeyn xidhiidhka ganacsiga iyo isu socodka labada wadan, waxana hadaladiisa ka mid ahaa “Dalka walaaleheena Itoobiya, waxa maanta noo socda wada hadal la xidhiidha arrimaha ganacsiga iyo isu socodka gadiidka ee alaabada qaada, sidaas daraadeed waxa aan mahad gaar ah iyo boggaadinayaa  maareeyaha dekada Berbera oo run ahaantii qabtay shaqo aad iyo aad muhiim u ah.”

Maareeyaha dekadda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxor) ayaa soo dhoweeyay weftiga ka socda dalka Itoobiya, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in la hirgeliyo maxsuulka ka soo baxa shirka iyo muhiimada ay u leedahay mashruuca u dhaxeeya labada dowladood ee Berbera Corridor. “Waxa aanu soo dhoweynaynaa xoojinta xidhiidhka ganacsiga ee uu dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyo walibana hirgelinta mashruuca u dhaxeeya labada dowladood ee Berbera Corridor, waxana aan soo dhoweynayaa isticmaalka dekada Berbera iyo guud ahaan wadamada ku yaala Geeska Afrika.”

Safiirka hogaamineya weftiga ka socda dowladda federaalka Itoobiya Ambassador Saleeban ayaa isna ka hadlay xidhiidhka labada wadan ka dhaxeeya iyo dekada Berbera oo uu sheegay in ay shacbiga reer Itoobiya si weyn u daneynayaan, waxaana hadalkiisu uu ahaa “Itoobiya iyo Somaliland ayaa wada gaadhay heshiis is faham oo la xidhiidha isticmaalka dekada Berbera, bixinta adeeggyada in lays leek’eysiiyo  dekada Berbera, maaraynta qabashada shixnadda itoobiya iyo qodobada lagu heshiyay ee isu socodka gadiidka ee la xidhiidha arrimaha mashruuca Berbera iyo Addis Ababa Corridor.”  “Ma haysan karno nabad waarta bilaa horumar. Fakhrigu waa ka ugu weyn ee sababa dagaalka iyo degenaansho la’aanta, taasna waxaa lagu suulin karaa kaliya horumar wada jir ah. Horumarka Itoobiya kaliya wuxuu imanayaa marka uu horumaro wadamada dariska ah,” ayuu yidhi Ambasadorka oo intaasi raaciyay inuu rajo fiican ka qabo horumar laga gaadho heshiiska labada dal iyo ka faa’iidaysiga dekedda Berbera ee Itoobiya doonayso inay badeecadaha kala duwan kala soo degto
Dhinaca kale, xukuumada Somaliland iyo weftiga ka socda dalka Ethiopia ayaa marsada Berbera wada jir u dhagax dhigay dhismaha barxad cusub oo ay yeelan doonto dekedda Berbera, barxadaasi oo gaar u noqon doonta qalabka iyo badeecadda kala duwan ee dawladda itoobiya, dawladda Somaliland ayaa isha ku haysa sidii dalka Itoobiya oo dad ku dhaw 90 Milyan ay ku nool yihiin uga faa’iidaysan lahaayeen dekedda caalamiga ah ee Berbera.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.