WorldRemitAds
Addis Ababa, Itoobiya, February 28, 2016 (Saxafi/The Standard) – Shirkadda Bariga Afrika ee  Duulimaadyada ama East African Aviation (EAA) ayaa sheegtay inay hirgeliyeen diyaarad Ambulance (Gargaar degdega ah ee caafimaadka) ama adeegyo dhinaca hawadda ah oo ay ku qaadayaan dadka bukaanka ah ee Gobolka Geeska Afrika, {Air Ambulance), gaar ahaan, Somaliland, Ethiopia iyo Djibouti, kuwaas oo dadka u baahan lagu geynayo cusbitaaladda Dalalka isu taga imaaraadka Carabta ama Koonfur Afrika.

Masuuliyiinta shirkadda EAA oo maalintii khaamiista toddobaadkii ina dhaafay ku shaaciyay shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxana ay shegeen in diyaaradani ay gebigeedu ka shaqeyn doonto arrimaha caafimaadka, islamarkaana ay shaqaalaha diyaarada saaran ay wada yihiin dad ku takhasuusay caafimaadka oo sharciyaysan.
“Diyaaradani shaqaalaha saaran gebi ahaanteed, waxa la socda dhakhtar caafimaad iyo kalkaaliye caafimaad, iyadoo ku qalabaysan qaybta daryeelka degdegga ah ama intensive care unit (ICU) oo ah qalab casri ah, waxana loogu talo galay sidii loo daweyn lahaa bukaanka inta ay ku gudo jiraan safarkooda ama mudada ay saaran yihiin diyaarada.” Sidaana waxa tidhi Dr: Rahel Tilahun oo ka mid ah dhakhaatiirta la socota diyaarada kana mid ah shaqaalaha shirkaddaas. 
“Diyaaradani shaqaalaha saaran gebi ahaanteed, waxa la socda dhakhtar caafimaad iyo kalkaaliye caafimaad, iyadoo ku qalabaysan qaybta daryeelka degdegga ah ama intensive care unit (ICU) oo ah qalaab casri ah, waxana loogu talo galay sidii loo daweyn lahaa bukaanka inta ay ku gudo jiraan safarkooda ama mudada ay saaran yihiin diyaarada.” Sidaana waxa tidhi Dr: Rahel Tilahun oo ka mid ah dhakhaatiirta la socota diyaarada kana mid ah shaqaalaha shirkaddaas. 

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.