WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, February 28, 2016, (Saxafi) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee Gobolka Awdal ayaa komishanka qaranka ee doorashooyinka u soo jeediyay dhaliilo ku saabsan sidii ay gobolka Awdal uga qabanqaabiyeen diiwangelinta codbixiyayaasha oo galay wejigii  saddexaad.

Guddoomiyaha Xisbigaasi ee gobolka Cabdikariim Muuse Maal, oo  shir jaraa’id ku qabtay Boorama ayaa sidoo kale xukuumadda Siilaanyo ku dhaliilay magacaabista guddiga ictiraaf raadinta oo aan wakhtigan looga baahnayn loogana fadhiyo qabanqaabada doorashooyinka.
Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa u yidhi.“Waxaan ka hadlayaa dhawr arrimood oo ay ka mid tahay, diiwaan galinta ka socota gobolka Awdal oo gashay wajigii saddexaad, runtii shacabka gobolka Awdal si fiican ayay isku abaabuleen oo ay uga qayb qaateen diiwaan galinta, laakiin shacabka gobolka Awdal aad ayaa loogu yareeyay sanaaduuqda diiwaangalinta marka la barbar dhigo gobolada kale ee dalka, waxa jira deegaano badan oo sanaaduuq aan la gayn oo dad ku nool yihiin”
Sidoo kalena gudoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray. “Shaqaalaha ka shaqaynaya diiwaangalinta ayaa ah dad ay khibradoodu aad iyo aad u hoosayso oo aan tababar fiican qabin, shacbiga gobolka Awdalna runtii waxay aad iyo aad uga murugoodeen in maanta iyagoo gudoomiye ku xigeenka komishanka leh inay maanta hadana waxaasoo baylah ihi ay soo baxdo, waxaanay tahay masuuliyad saran gudoomiye ku xigeenka koowaad ee komishanka qaranka iyo gudoomiyaha komishanka ee gobolka oo waliba runtii laba qof oo gobolka u dhashayna ah, wixii markaa halkaa dhaliilo ka yimaadda diiwangalinta oo wax ku dhacaana waxaan dhaliishooda iyo masuuliyadoodana qaadan doona labadaa nin ,waa macallimiin shaqadoodana maaha in loo diro shaqo aanay garanayn ”.
Isagoo ka hadlaya guddiga dhawaan madaxweyne siilaanyo u magacaabay ictiraaf raadinta waxa u guddoomiyuhu yidhi.“Gudiddii uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Somaliland ee ictiraaf raadinta Somaliland waxaan  u malaynayaa inaanu daacad ka ahayn, maadaama 12 bilood ka hadhay doorashooyinkana, waxay ahayd inuu  maanta ku mashquusho qaabki ay doorasho dalka uga dhici lahayd wakhti horena, waxaa loo baahnaa inuu guddigan magacaabo”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.