WorldRemitAds
Ankara, Turkey, February 28, 2016 (Saxafi) — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho ku tagaya toddobaadkan afar waddan oo Afrikaan ah oo ay ku jirto Nigeria, Waxaana booqashadiisan ay billaaban doontaa maanta, sida lagu sheegay Warbixin laga soo saaray shalay Xafiiskiisa Ankara.

Erdogan ayaa wuxuu booqashadiisa ku billaabi doonaa dalka Ivory Coast oo uu tegi doono Axadda maanta ah, ka hor inta aanay booqan dalka Ghana; halkaasoo uu uga sii gudbi doono Nigeria, iyadoo waddanka ugu dambeeya ee uu tagayo uu noqon doono waddanka Guinea. “Booqashadan waa mid madaxweyne Erdogan uu ku adkeyn doono xidhiidhka ka dhexeeya Afrika, sidoo kalena uu ku xoojinayo xidhiidhka dhanka ganacsiga ah ee ka dhexeeya Turkiga iyo Afrika, gaar ahaan kuwa ku yaalla Galbeedka Afrika,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka   baxay xafiiskiisa.
Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in safarkani uu yahay midkii ugu horreeyay oo Madaxweynaha Turkigu uu ku tago Dalalka Ivory Coast iyo Guinea, kuwaasoo Turkiga uu ka dhexeeyo xidiidh ganacsiga.
Madaxweynaha Turkiga, Erdogan ayaa wuxuu horraantii sannadkii hore ee 2015-ka uu Booqasho ku tagay Waddamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti oo ku yaalla Bariga Afrika, taasoo lagu sheegay inay qayb ka ahayd dadaalka Erdogan uu ku doonayo inuu ku xoojiyo joogitaanka Turkiga ee Qaaradda Afrika.
Dhanka kale, Safaaradaha Turkiga uu ku leeyahay Dalalka Qaaradda Afrika ayaa Kordhay saddex laab tan iyo sannadkii 2009-kii. Iyadoo Diyaaradaha Shirkadda Turkish Airlines ay dalal badan oo Qaaradda Afrika ah Duullimaadyo kala duwan ku tagto, taasoo Qayb ka ah xoojinta xidhiidhka Afrika iyo Turkiga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa iyana dhankeeda xustay inuu xidhiidhka ganacsi ee laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Afrika iyo Turkiga uu kor u dhaafay Sannadkii 2014-kii illaa 23.4-bilyan oo doollarka Mareykanka ah, halka uu sare u kac ku socday ganacsiga Turkiga kala dhexeeya Dalalka Afirka ee ka hooseeya Saxaaraha, tan iyo Sannadkii 2000.
Ugu dambeyn, Xukuumadda Turkiga ayaa la sheegay inay si aad ah sare ugu sii qaadaysay kordhinta xidhiidhada dhanka ganacsiga iyo iskaashiga ah ee caalamka kala dhexeeya, iyadoo madaxweyne Erdogan uu sannadkan booqashooyin kala duwan ku tagay Dallaka Ecuador, Chili iyo Peru oo Dhamaantood ku yaalla Laatiin Ameerika.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.