WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, February 28, 2016, (Saxafi) – Waxaa sare u kacay Khasaaraha Weerarkii isugu jiray Qaraxyada iyo Iska-horimaadka ahaa ee habeen hore lagu qaaday Hotel SYL oo ku dhow xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho, iyadoo khasaaraha Dadka ku dhintay ay marayso 30-qof, dhaawucuna uu ku dhow yahay 60-qof.

Al-shabaab ayaa sheegatay Weerarradaan oo ahaa laba Qarax oo xilliyo isku dhow dhacay iyo kooxo hubeysan oo Weerar toos ah ku qaaday Hoteelka SYL, kuwaasoo dagaal kooban la galay ilaaladii hoteelka.

Cusbitaalka Madiina oo habeen hore la gaadhsiiyay dhaawacyada 35-qof, ayaa siddeed qof oo ka mid ah ay ku Geeriyoodeen isbitaalka, sida ay Warbaahinta u Xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

SomlegalAds

Sidoo kale, Dhismayaasha ku Bur-buray Qaraxyadan oo ku dhow Hotel SYL ee Muqdisho ayaa laga helay Maydadka lix ruux oo ku dhex-dhimatay, iyadoo tiro kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen

Wasiirka Amniga gudaha ee Somalia ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in afar Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku Dhinteen Weerarkii habeen hore, kuwaasoo uu sheegay inay ku sugnaayeen bar-koontarool oo gaadhigii miineysnaa ee hore uu ku Qarxay.

Sidoo kale, sagaal qof oo shacab ah iyo Shan Al-shabaab ah oo Weerarkan qaadday ayaa la sheegay inay iyaguna ku dhinteen weerarkaas, inkastoo wararku ay intaas ku darayaan inay jiraan dad ku dhintay guryo ay burburiyeen qaraxyadan.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo xoog badan oo degmooyinka Muqdisho si aad ah looga maqlay ayaa Bur-bur ballaadhan u geystay dhimayaal ku dhawaa Goobta Qaraxyadan ay ka dhaceen, iyadoo qarxyadan lagu tilmaamay kuwii ugu xajmiga weynaa ee Muqdisho ka dhaca.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay Weerarradaan ku beegsadeen Hotel SYL oo Madaxtooyada Soomaaliya kasoo hor-jeeda, inkastoo lasoo sheegay in aanay jirin cid Waxyeello ay ku soo gaadhay gudaha Hoteelka SYL, inkastoo dhaawacyo fudud ay soo gaadheen dad Hoteelka ku dhex-sugnaa.

Ugu dabmeyn, Wasiirka Amniga Somalia, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa Wuxuu sheegay in qaraxyadii habeen hore ka dhacay Magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwii ugu xoogga badnaa ee Muqdisho ka dhaca xilliyadan, isla marakaana xajmiga waxyaabaha qarxa ee Weerarkaan uu ahaa 200-KG.

 

 

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.