WorldRemitAds

London, UK September 20, 2016 (Saxafi) – La taliyaha arrimaha dibadda gudoomiyaha xisbiga Wadani ayaa kulamo la yeelatay mudaneyaasha aqalka wakiiladda iyo masuuliyinta xafiiska arrimaha dibadda boqortooyada dalka Ingiriiska.

Faadumo Siciid ayaa sheegtay in qodobadda ay ka wada hadleen masuuliyiinta boqortooyada Ingiriiska ay ka mid ahaayeen arrimaha aqoonsiga, doorashooyinka, horumarinta dhalinyarta iyo xuquuqda aadamaha.

Marwo Faadumo Siciid oo ah la taliyaha arrimaha dibadda gudoomiyaha xisbiga Wadani oo mudooyinkii u dambeeyey ku sugnayd dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London ayaa qoraal kooban oo ay xafiiska Saxafi soo gaadhsiisay kaga hadashay go’aankii uu madaxweynuhu ku kala qaaday doorashooyinka baarlamanka iyo madaxtooyada, waxana qoraalkeedu u dhigna sidan “Mudaneyaasha aqalka wakiiladda dalka UK Lord McCleanan iyo xildhibaan James Carver ayaanu ka wada hadalnay arrimo ku saabsan aqoonsi raadinta, doorashooyinka, barnaamijiyada horumarinta dhalinyarada iyo xuquuqda aadamaha. Waxa kale oo aan la kulmay masuuliyiinta wasaarada xafiiska arrimaha dibadda oo ka walaacsanaa arrimo ku saabsan doorashooyinka gaar ahaan wararkoodu ku saabsanaa go’aankii uu madaxweynaha Somaliland uu ka gaadhay kala qaadista labada doorasho, waxana dalka Somaliland dalalka caalamka u diiwaangashan lagana war qaabaa diiwaan wanaagsan marka laga hadlayo qabashada doorashooyinka. Laakinse, waxa muuqata in aanu ku socono in sharaftii wadamada caalamka ah sharaftii iyo qadarintii ay sii diciifayso. Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani oo ku hawlan sidii aanay sumcaadii iyo qiimaynta wadamada adduunka ku lahayd uga dhiman, islamarkaana wadamada xidhiidhka dhow la leh Somaliland xidhiidho kale oo cusub u samayn lahayn, waxa sidoo kale rajada dhaliyaradeena iyo guud ahaan shacabka Somaliland mustaqbal wanaagsan u helaan oo aanay niyad jabin. Xukuumadda Somaliland waa in si gaar ah u eegta arrimaha gudaha dalka iyo nidaamka dimoqraadiyada oo labaatankii sano dib dhiska dalka lagu hawlana, islamarkana taariikh wanaagsan kaga taagan xilka, sanadadii u dambeysay oo noqday maalmihii ugu madowga badnaa marka loo eego dhinaca arrimaha dimoqraadiyada iyo caddaalada dalka Somaliland.

SomlegalAds

Innsha Allah waxaan rajeynayaa in xisbiga Wadani dib usoo noolayn doonaa rajadii shacabka, islamarkaana dalka iftiin cusub u noqon doona.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.