WorldRemitAds
Fanaanada wayn ee Axlam oo ka mid ah hablaha heesahooda loogu jecel yahay waddamada carabta oo sheegtay in ay ka tanaasushay, hawlihii fanka iyo heesihii, isla markaana cadaysay in ay noqon doonto daaci ama qof diinta Islaamka fidiya ayaa noqotay sheekada loogu hadal haynta badnaa waddamada carabta.
Sida ay ku warantay laanta afka carabiga ee idaacada BBC-du, Axlam oo ah fanaanad u dhalatay dalka Isu-taga Imaaratka Carabta ee midoobay ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in ay badashay nolosheedi hore ay ugu caan baxday dunida meelo badan oo ka mid ahna lagaga bartay ee fanka iyo heesaanimada.
social_media_ahlam_final_photo_640x360Waxa kale oo ay Axlam sheegtay inay noqon doonto daaci diinta Islaamka fidisa oo intii shareecadu u ogoshahay ay ka qaadan doonto, fidinta diinta Islaamka.
Markii BBC-du baahisay warka ku saabsan ka bixista fanka ee fanaanada Axlam ayaa waxa rayigooda ka dhiibtay in ka badan todobaatan kun oo qof, kuwaas oo sodon kun oo ka mid ahi ay rayigooda ama aragtidooda ku dhiibteen boga Twitter-ka halka inta kalana ay ku baahiyeen facebook iyo Instagram-ka.
Kumanaankan qof ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay sida ay ula muuqato ama ay u arkeen go’aanka ay fanaanadani qaadatay, in kasta oo badankoodu ka sinaayeen hambalyada iyo dhiiri gelinta ay ku boorinayeen inay kaga dhabayso oo ay sidaa kaga hadho, haddana waxa laga dareemayay inay aad ugu kala aragti duwanaayeen rayi ahaan.
Fanaanada Axlam ayaa sanadkii 1969-kii, ku dhalatay Imaarada Abu-Dhabi waxaana iska dhalay Aabe Imaarati ah iyo hooyo Baxrayniyad ah, waxbarashadeedi ilaa dugsi sare ayay ku qaadatay dalka Baxrayn oo ay ku soo kortay, waxaanay sanad kaliya ka dhigatay kuliyada shareecada, taas oo ay fanka iyo heesaha uga wareegtay iyadoo aan dhamaysan.
Fanaanadan ayaa guursatay xidigii reer Qatar ee tartamada baabuurta Rally-ga Mubarak Al-hajiri kaas oo ay u dhashay sadex carruur ah.
Waxa ay ka mid noqotay hablaha caanka ka ah jasiirada carabta aadkana loo jecel yahay fankooda, in kasta oo dhaqanka waddamada Khaliijka ee aan aadka looga tix gelin hablaha heesa uu hoos u dhigay, haddana waxa ay noqotay dhawrka fanaan ee caanka ka noqday dalalka Khaliijka Carbeed.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.