WorldRemitAds


Hargeysa, Somaliland, October 21, 2015 (Saxafi) – Murankii Xisbiga Xukuumadda ee KULMIYE oo maalmihii u danbeeyay si weyn looga dareemayay saaxada Siyaasada Somaliland, ayaa laga gaadhay heshiis ay si wadajir ah u shaaciyeen dhinacyada ku loolamaya musharxnimadda shirka golaha dhexe ee lagu soo dooranayo musharaxiinta u meteli doona Xisbiga KULMIYE doorashada Madaxtooyadda ee la filayo inay dalka ka dhacdo bisha March ee sannadka 2017.


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan hoggaanka xisbiga, laba ka mid ah musharixiinta iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiradda, ayaa saxaafada kula hadlay duhurkii maanta xarunta guud ee xisbiga, waxayna si wadajir ah u sheegeen in la soo afjaray khilaafkii xisbiga.

khilaafka-kulmiye-ee-lasoo-afjarayGuddoomiye Muuse Biixi oo ay hareera fadhiyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad, labaad iyo sadexaad iyo sidoo kale musharixiinta kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Kijaandhe iyo Afhayeenka Xukuumadda Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa sheegay in kulan ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo kadib ay isla qaateen in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhashay waxyaabaha ay tirsanayeen musharxiinta doonaya inay ku tartamaan shirka golaha dhexe. Sidaa awgeed, wuxuu u mahad celiyey guddoomiye Muuse saaxiibada khilaafku dhexgalay, isagoo sheegay in hadda wixii ka danbeeya sidii wadajir loogu wada jeesan lahaa dhinac ee gamcaha laysu qabasan lahaa laga shaqaynayo, isagoo ku tilmaamay arrintaa mid farxad weyn u ah taageerayaasha xisbiga, balse ay cadawga xisbigu ka naxayaan.
“Arrintii yarayd ee anaga iyo saaxiibadayo noo dhaxaysay ee saxaafadu marba si u waday waa lasoo afjaray, waxaana idiin sheegayaa in xisbiga KULMIYE yahay xisbi dumuqraadi ah oo ka bixi kara khilaaf iyo wax walba oo soo kala dhexgala, waxaana iyadoo gamcaha lays haysto la qabanayaa tartankii doorashada ee shirka golaha dhexe, wixii kalena Wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlaya” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

SomlegalAds

Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa sheegay in aan waxba laga bedelin hawshii shirka golaha dhexe, isla markaana aanay jirin guddi Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay, balse hoggaanka hawshii ay wadeen sideedii u soconayso oo ay hawsha guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo hoggaanka kale maamulayaan, balse marjac uu noqonayo la taliye ahaan Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami. sidaa awgeed wuxuu sheegay Cabduulaahi Cukuse in uu arrintaa uga mahad celinayo Madaxweynaha Somaliland oo sida uu sheegay hawshaa ka odayeeyay. sidaana raali laga wada noqday oo lagu soo afjaray khilaafkii.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah musharixiinta iyo musharaxa kale Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa soo dhoweeyay heshiiskaa, waxayna madasha ka sheegeen inay ku qanacsan yihiin arrintaas, khilaafkiina halkaas lagu soo af-jaray sidaana lagu geli doono tartan xor ah oo loo soomin yahay sida ay ka dhawaajiyeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.