WorldRemitAds
Nin Shiine ah ama u dhashay dalka Shiinaha ayaa ka yaabiyay dunida, ka dib markii uu ninkaasi basbaas qaji nooca aadka u kulul ah, uu caado ka dhigtay inuu maalin kasta ka cuno ugu yaraan labo kilo iyo dheeraad, waxaanu ninkan Shiinaha ahi, warbaahinta u sheegay inuu ku walfay oo xaaladiisu noqotay mid uu balwad ahaan ugu baahdo cunista basbaas qajiga aadka u kulul.
Ninkan oo lagu magacaabo, Li Yongzhi ayaa sida warbaahintu sheegtay waxa uu ku nool yahay degaanka Zhengzhou, ee dalka Shiinaha, waxaanu maalin kasta quutaa ugu yaraan labo kilo iyo badh basbaas qaji nooca barbarida Somalidu u taqaano ah.
Sida ay ku warantay jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxdaa, Li Yongzhi oo da’diisu tahay sideed iyo afartan jir, waxa uu cunista basbaasku ka gaadhay, in xitaa uu caday ahaan u isticmaalo oo uu afka ku nadiifiyo basbaaskan aadka u kulul.
Sida warbixintu sheegtay basbaas qajigan barbariga ah ee uu cuno ninkaasi maalin kastana kiilooyada ka quuto ayaanu qofka caadiga ahi, xabad ama labo midh ka badsan Karin, waxaanu qofka caadiga ahi markiiba dareemaa, kulayl badan, oo guba carabka iyo afkiisa, laakiin ninkani warkaa ma hayo oo isagu sida bariiska ayuu u quuta.
Tartan tiro badan oo loo qabtay dadka basbaas cunka badan aadkana u jecel oo uu ka qayb galay, ayuu Li Yongzhi kaga wada guulaystay dhamaan tartamayaashii kala qayb galay waxaanu ku helay abaal marino iyo bilado tiro badan.
Bandhigyo kala duwan oo warbaahinta iyo shirkadaha basbaaska beera ama warshadeeyaa u qabteen ayuu wacdaro ka dhigay, waxaanu ugu danbayntii ku guulaystay in lagu magacaabo boqorka basbaas cunista ee dalka Shiinaha, laakiin waxaas oo dhami kuma filnaan oo waxa uu doonayaa inuu rikoodh aduunka ah oo dhan dhigo, cid kula tartami kartana la waayo.
Ninkan ayaa sheegay in cunista basbaaska uu bilaabay isaga oo aad da’diisu u yar tahay, ilaa waligiina aanu wax kulayl iyo dhibaato ah, ka dareemin basbaaska nooc kasta oo loo keeno ama uu cuno, aanu ku guban oo uu caadi u yahay isaga, wallow uu arko dadka oo kulayl ku sheegaya ama ku gubanaya sida uu sheegay.
Dadka oo dhan ayaa ila yaaba ayuu yidhi, marka ay arkaan anigoo basbaaska cunaya, waxaanay moodaan in aan raagsaday cuntadii aan ku darsan lahaa, sababtoo ah? May arag qof basbaas kaligii cunaya, waxaanay caadiyan yaqaanaan in lagu darsado cuntada, sida hilibka, beedka iyo maraqa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.