WorldRemitAds

Nin Aan Muuqaalka Laga Garan Obama: Xiao Jiguo oo ah nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa lacag badan ku hela isku ekaansha muuqaalkiisa ee Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, waxaana sida wakaaladaha wararku sheegeen uu matalaada Madaxweyne Obama uu ku qaata lacag badan oo macaash ah.

Xiao Jiguo waa nin aad ugu muuqaal eg Madaxweynaha dalka Maraykanka, waxaanu toban daqiiqo oo kaliya uu matalay Madaxweyne Obama, jilistaas oo lagu siiyay kun iyo shan boqol oo dollar, taas oo marka lacagta Shiinaha ee Youn-ka loo badalo noqonaysa xadi lacageed oo badan.

Nin u eg ObamaNinkan oo aan isagu markii hore ogayn in ay isku muuqaal dhow yihiin madaxweynaha Maraykanka, ayaa isaga iyo saaxiibadiiba ogaadeen, sanadkii 2008-dii, wakhtigaas oo uu Xiao Jiguo, kulayl badan oo ka jiray degaanka uu ku nool yahay ee dalka Shiinaha awgeed timaha u xiiray aadna ugu gaabiyay, ilaa rayislihii ka xiirayay iyo saaxiibadii mar qudha waydiiyeen? Qofka uu u ek yahay ee ay moodayaan, su’aalo badan ka dib waxa ay mar wada sheegeen inuu Obama u muuqaal dhow yahay oo aan la kala garan.

SomlegalAds

Muddo yar ka dibna waxa uu caan ka noqday dalka Shiinaha iyo shabakadaha internet-ka oo baahiyay sawiradiisa, waxa haddana ugu xigay, shirkadaha filimada matala ee dalkiisa iyo kuwa caalamiga ah oo xidhiidh la soo sameeyay.

Sida warbaahintu sheegtay waxa uu ninkani caan baxay oo aad looga bartay dalka Shiinaha markii uu ka qayb galay, matalaada filimka “Chinese Dream Show”, kaas oo uu matalay doorka Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, waxaanu deg deg uga baxay noloshiisi saboolka ahayd.

Sida uu warbaahinta u sheegay Xiao Jiguo ayaa muddo toban sanadood ah shaqaale ka ahaa, warshad uu waardiye ka ahaa, taa soo uu lacag aad u yar mushahar ahaan uga qaadan jiray, hasa yeeshee markii uu ogaaday inay Madaxweyne Obama Isku ek yihiin ee uu matalay filimo iyo barnaamijyo kala duwan ayuu helay lacag badan oo kor noloshiisa u soo qaaday.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.