WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, April 26, 2018, (Saxafi) – Ganacsatada Qaadka Dalka Kenya ayaa mar kale dawladoodda ka codsaday inay wax ka bedesho mawqifkeedda ku waajahan Jamhuuriyadda Somaliland oo ay aqoonsato si ay u gaadhaan suuq weyn oo ay sheegeen inuu kaga xaniban yahay.

Ururka Ganacsatada Qaadka Dalka Kenaya ayaa sheegay in Qaadkooda loo yaqaan Miiraa, uu dalab fiican ka heysto Somaliland, laakiin ay dhibaato ku tahay canshuurta xad dhaafka ah ee ay saartay Somaliland.

SomlegalAds

Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada Qaadka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in ay tartan adag ka wajahayaan Qaadka Hereriga ee dalka Itoobiya oo Somaliland laga cuno, kaas oo uu sheegay in uu ka qiimo jaban yahay midka Kenya, maaddaama aanay saarneyn canshuur xad dhaaf ah sidoo kalena uu dhulka ka soo galo Somaliland.

Kimathi Munjuri oo u waramay shalay Standardmedia waxaa uu sheegay in bartilmaameedkoodu uu yahay 50 Tan oo Qaad ah inay maalin kasta geeyaan degaannada dalka Somaliland, ha yeeshee hadda uu marayo kaliya 72 Tan bisha oo dhan, waxaana uu sababta ay uga gaabiyeen suuqan ku sheegay Somaliland oo saartay canshuur xad dhaaf ah maadaama aanay Kenya la lahayn xidhiidh diblomaasiyadeed oo toos ah. “Hargeysa iyo deegaannada kale ee Somaliland waxaa nooga banaan suuq weyn, laakiin caqabadu waxaa weeye Somaliland oo doonaysa aqoonsi iyo Kenya oo u taqaan gobol ka Mid ah Somalia” Ayuu yidhi guddoomiyaha ururka Qaadka Kenya.

Waxaana uu dawladda Kenya ka codsaday inay Aqoonsi diblomaasiyadeed ay Dawladda Kenya siiso Somaliland si meesha looga saaro canshuuraha badan ee Ganacsiga Qaadka Kenya ka heysta degaannada Somaliland.

Bishiiba 18 maalmood ayey Qaad keenaan diyaarado ka socda Kenya waxaana ay tagaan Magaalooyinka Laascaanood iyo Badhan iyadoo Hargeysana lagu keeno gaadiid. Taas oo marka la isu geeyo bishii ka dhigaysa 72 Tan waxaana uu ku doodayaa guddoomiyaha Ganacsatadda Miirooga Kenya in ay baahidu gaadhayso 150 tan sida uu ku dooday  Kimathi Munjuri.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.