WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland December 18, 2015 (Saxafi) – Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland ayaa shalay kulan albaabadu u xidhan yahay la yeeshay qaar ka mid ah Ganacsatada dalka oo ka cabaneya cashuur ay sheegeen in ay wasaarada maaliyaddu ku kordhisay, waxana kulankaas oo qaatay muddo saacado ah ka dib aan labada dhinac ay diideen tafaasiil ka bixiyaan.

Cabashada tujaarta oo ku salaysan cashuur ay sheegeen in lagu kordhiyey allaabooyinka aan daruuriga ahayn oo ay sheegeen in lagu kordhiyay 10% isla markaana ay ka biyo diideen tujaartu ayaa dacwadooda ula tegay gudida dhaqaalaha sidii ay arrintan wax uga qabtaan ka hor intaan la ansixin miisaaniyadda sannadka 2016.
Guddida Dhaqaalaha Golaha WakiilladaNatiijada kulanka u dhexeeyey gudida dhaqaalaha iyo tujaarta ayaan la garanayn wuxu ku dhamaaday madaama ay ka gaabsadeen labada dhinac in ay ka warbixiyaan.
Hase yeeshee, Wasiirada wasaarada Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa iyadu dhowaan sheegtay in aanay kordhin wax cashuur ah, isla markaana ay si fiican ula shaqayso ganacsatadda.
Sidoo kale guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa isla shalay la kulmay Masuuliyiin ka socday Haamaha Keydka Shidaalka Berbera, kuwaas oo wararku sheegeen inay ka wareysteen arrimaha maamulkooda iyo dhaqaalaha Hay’addaas oo dhawaan lagu wareejiyay shirkado gaar ah oo shidaalka la soo dega, inkastoo ay Golaha Wakiillada Somaliland hore mooshin ugu laaleen in shirkaddo gaar ah lagu wareejiyo hase yeeshee ay xukuumaddu go’aankaas golaha iska garab martay kuna wareejisay maamulka Haamaha Keydka shidaalka Berbera shirkado gaar ah oo ay leeyihiin ganacsatada shidaalka la soo degta.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.