WorldRemitAds
Djibouti, December 18, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa inay dalka u horseedayaan fowdo, isagoo difaacay go’aanka uu mar afraad isku sharaxayo hoggaanka dalkiisa.

Madaxweynaha Djibouti ooo waraysi siiyey Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in mucaaradka dalkiisa inay doonayaan inay ku dhaqmaan sida mucaaradka kale ee dunida, taas oo ah inay kiciyaan qalalaase dalka dhibaato geliya.
Madaxweynaha Djibouti“Markaan eegno… halkii aan ka nimid iyo meesha aan maanta joogno, kuwa isku sheegaya mucaaradka waxay leeyihiin dalka dowlad kama jirto. Innagu waxaan arki jirnay mucaarad eedeynaya ama dhaliilaya dowladda, balse mucaarad uma haysano inuu yahay kan dhahaya dowlad ma jirto, waxaana naga go’an inaan iska qabanno kuwaas. Waxay weli baranayaan mucaaradnimadu waxay tahay, waana kuwo doonaya dimuqraadiyaddii ay Faransiiska iyo Belgium kusoo arkeen ee ku dhisan is-dhex-yaaca iyo fowdada ayay doonayaan,” ayuu yidhi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Sidoo kale, wuxuu xusay inaanay jirin cid siyaasad loo xidhay ama loo dilay, mana jirto qof ra’yigiisa ka hadlay oo inta gurigiisa loogu tagay la xidhay, wuxuuna intaas ku daray in 16-kii sano ee lasoo dhaafay ay Djibouti gaadhay horumar weyn, balse ay ka jiraan dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah.
“Madaxda dalka iyo shacabkaba waxay ka mideysan yihiin in caasimaddeenna nabad iyo Xasillooni ka jirto. Dadka shisheeyaha ah ama sokeeyaha ahna laguma dhaco. Cid kasta oo fowdo iyo dhibaato waddana waa ka hortageynaa, ” ayuu ku daray hadalkiisa.
Geelle oo la weydiiyay waxyaabaha horumarka ah ee uu ku tallaabsatay waddankiisa 6-kii sano ee lasoo dhaafay ayuu sheegay inay horumar ballaadhan ku tallaabsadeen, Djiboutina ay tahay waddan la qiimeeyo, ayna dalalka Afrika, Carabta iyo kuwa Islaamkaba ay kaga jiro meel sare.
Ugu dambeyn, hadalka madaxweynaha waddanka Djibouti ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay xisbiyada mucaaradka ah ee dalkaas kasoo horjeesteen inuu Geelle uu markii Afaraad u tartamo xilka madaxnimo ee Djibouti, ka dib saddex xilli oo uu Djibouti soo xukumayay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.