WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 10, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Dalada Ururada Shaqaalaha Somaliland (SOLTUO) Maxamed Axmed Cabdi ayaa faahfaahin ka bixiyay waajibaadka shaqaalaha iyo waxyaabaha sharcigu ka reebay.

Guddoomiyaha oo war saxaafadeed uu soo saaray shalay na soo gaadhsiiyay ayaa waxa uu ku yidhi sidan: “Shaqaalaha Rayidka ah ee Danta Gaarka ah ka shaqeeya qaaliban heshiis ayey  kala saxeexdaan Loo Shaqeeyaha eeg  Qodobka 24aad ee Xeerka 31/2004,waana waajib in qofka shaqaalaha ihi ku  dhaqmo sida heshiisku yahay oon marna ku jirayn in Qofku Gole siyaasadeed galo, shaqadana uu ka mid noqdo. Shaqaalaha Rayidka ah ee Danta gaar ah ka shaqeeya wuxuu Xeerka 31/2004 qodobkiisa 33aad Qeexaya Waajibaadka Shaqaalaha oo ah:-

SomlegalAds
  1. Shaqaaluhu waa inuu Shaqadiisa u gutaa sida Heshiiska waafaqsan ee Sharciu ogol yahay.
  2. Shaqaaluhu waa inuu dhawraa anshaxa shaqada iyo Saacadaha Shaqada.
  3. Shaqaaluhu waa inuu dhawro Qalabka iyo hantida uu shaqada ku hayo ee lagu aaminay ama uu mas’uulka ka yahay.
  4. Waa inuu bixiyo Cashuurta Dawladda ee ku waajibtay mushaharkiisa.

Dhinaca Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda u shaqeeya, iyagana  sida ku cad Xeerka 7/96 waxa waajib ku ah:

  1. Shaqaalaha waxa waajib ku ah inay xilalkooda shaqo u gutaan si sharciga waafaqsan iyo Danta Bulshada.
  2. Shaqaaluhu inay waajibaadkooda shaqo u fuliyaan sida ugu haboon ee looga baahan yahay.
  3. Shaqaaluhu waa in aanay ka hor iman inay ka shaqeeyaan goob kasta oo shaqo loogu diro ama aanu diidin shaqo ku meel gaadh ahaan loogu xilsaaray shaqadaas oo la mid ah qaybta uu ka shaqaynaayo ama ka duwan waajibaadka shaqo ee derejadiisa baahi shaqo fulineed awgeed.
  4. Marka qofka shaqaalaha ah loo ergisto shaqo kale, waa inuu shaqada u fuliyo sida uu ku amro madaxa goobtaa shaqo.
  5. Qofka shaqaalaha ahi waa inuu u hogaansamo shuruucda iyo xeerarka lagu maamulayo shaqadan
  6. Qofka shaqaalaha waa in Sirta Shaqada iyo xafiiskiisa ee uu helo uu dhawro.
  7. Qofka shaqaalaha ahi waa inuu dhawro Saacadaha shaqada una yimaado shaqada si xidhiidh ah.

Sidoo kale,Shaqaalaha  Rayidka ah ee Dawladda u shaqeeyaha, waxa ka reeban sida ku cad qodobka  6aad ee isla Xeerka 7/96 arrimaha hoos ku qoran:

  1. Qofka shaqaalaha waa in aanu ku kicin fal kasta oo lid ku ah waajibaadkiisa shaqo.
  2. Shaqaaluhu waa in aanay B) Hogaamiye amaba xubin firfircoon ka noqon Xisbi siyaasadeed ama dhaqdhaqaaq siyaasadeed. T) Gelin heshiis shaqaalayn kale, haddii mararka qaar ahayn qof Farsamadiisa/Aqoontiisa loo baahday oo ogolaansho uga ahaysta Wasiirka Wasaaradda ama Madaxda Hay’adda ee qabashada hawshu khusayso. J) Ka mid noqon maamul Ganacsi gaar ah ama la shuraakoobin. X) Daabicin ama aanu suurta-gelin in la daabaco hawl;aha  maamulka dawladda ama bixin waraysi khuseeya siyaasadda dawladda ama khuseeya difaaca qaranka, haddi bixinta waraysigiisa aanay ahayn hawlaha caadiga ee waajibaadkiisa shaqo ka mid ah ama aanu ogolaansho ka helin Wasiirka ay khusayso wareysiga ka hor. Kh) Inaanu lug ku yeelan been –abuur dhaqaale ama aanu ku milmin maal-gelin sababi karta in shaqada lagaga eryo.

Maxa u bannaan Shaqaalaha Guud ahaantiis

Dhammaan Shaqaalaha Rayidka ah- Mid danta Guud ka Shaqeeya ( u Shaqeeya Dawladda) iyo Mid Danta Gaarka  ahba, waxa u bannaan inay samaysta Ururkooda Shaqaale  sida ku cad Distoorka Dalka Qodobkiisa 23aad ee Xoriyadda Is-abaabulka. Haddii loo Shaqeeyihi uu Xeerar samaystay uu Shaqaalihiisa ugu xakamaynaayo danihiisa oo qeexay Waxa Shaqaalaha ku waajib ah iyo sidoo kale waxa ka Reeban, isagana ( Qofka Shaqaalaha ah) waxa uu distoorku u baneeyey inuu ururkiisa shaqaale samaysto si uu danihiisa u difaacdo si wada jir ah.

Sidaasi darted, ha noo yimaadaan si aanu u siinno macluumaadka la xidhiidha samaysashada Ururada Shaqaalaha.

Alla Mahad leh

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.