WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 17, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ahna guddoomiyaha Wakiillada, ayaa ka hadlay inuu kulan la yeesheen garabka isbahaysiga musharaxinta ee xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye Cirro oo saxaafaddu waydiisay bal inay wada hadal yeesheen isbahaysiga musharaxiinta xisbiga Kulmiye ee u badan wasiiraddii iscasilay iyo labadiisa guddoomiye xigeen ee wakiillada ayaa si dadban u sheegay inay kulamo la yeesheen, balse kooxdaasi wali sheeganayso isbahaysi Kulmiye ah.

Guddoomiyaha Waddani oo sidoo kale wax laga waydiiyay inuu ogol yahay in musharax xigeenka lagula tartamo Axmed Muumin Seed, wuxuu sheegay in guddoomiye xigeenkiisu aasaasayaashii ka mid yahay wax kala duwanaansho ahina u dhexayn balse si toos ah uma sheegin in lala tartami doono.

SomlegalAds

Cabdiraxmaan-CirroMar uu ka jawaabayey inuu kulan la yeeshay isbahaysiga musharaxiinta mucaaradka ah ee KULMIYE waxa uu yidhi “Isbahaysigaasi wali wuxuu sheegtaa inuu Kulmiye yahay, marka ay WADANI usoo diyaar garoobaanu wada hadli doonaa.”

Mar kale oo wax laga waydiiyey inuu jiro xafiiltan xaga musharaxiinta ah oo ka dhexeeya xisbiga WADANI, waxa uu yidhi “Axmed Mumin Seed waa aasaasayaashii xisbiga WADANI, wax xafiiltan ah oo naga dhexeeya ma jiro, waana saaxiibkey”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.