WorldRemitAds

Abdaal, Somaliland, June 26, 2016 (SaxafI) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee gobolka Saaxil marwo Rooda Axmed Yaassiin ayaa xalay lagu xidhay xabsiga saldhiga degmada Abdaal ee gobolka Saaxil islamarkaana ay ciidamada bileyska degmadaasi ay la xidheen dad la saarnaa gaadhiga.

Marwo Rooda Axmed Yaassin oo aanu xalay kula xidhiidhnay khadka telefoonka ayaa inoo xaqiijisay in ay ku xidhan tahay saldhiga bileyska degmada Abdaal, islamarkana ay sheegtay in lagu xidhay kantroolka degmada Abdaal oo ay ku sugayeen gudoomiyaha degmada Abdaal oo ay wehelinayaan ciidamo bileys ah, kuwaas oo  ku wargeliyey dhamaantood inay xidhan yihiin, islamarkana ay inoo sheegtay in aan waraaq qabasho oo maxkamadeed aan lagu xidhin.

Marwo Rooda Axmed Yaassiin oo noo xaqiijisay inay xidhan tahay, waxay tidhi “haa waan xidhanahay oo degmada abdaal ayaan ku xidhanahay, waxana subaxnimaddii maanta (shalay) ka soo baxay magaalada Hargeysa anigoo  usii jeeda dhinaca iyo magalada Berbera oo aan ku soo afuray, waxana ka dib casho ku laha degmada Dacarbudhuq oo aan ku sii socday ayaa marka aan soo gaadhay kantroolka degmada Abdaal ayaa gudoomiyaha degmadaas oo cidaan xog ah aniga iyo dadkii ila socday xidheen.”

SomlegalAds

Mar aanu waydiinay marwo Rooda Axmed Yassin cida amartay  xadhigeedda, ayaa kaga jawaabtay in xadhigaasi uu amray gudoomiyaha degmada Abdal  oo ay xustay in isaga uu amar siiyey taliyaha guud ee bileyska Somaliland saareeye guuto Cabdilahi Fadal, waxaanay tidhi “Waxa uu sheegay guddoomiyaha  degmadu (Abdaal) inuu amarkaasi soo siiyey taliye Fadall, waxana tacadi iyo cagojuglayn ayey ciidamada bileysku aniga iyo dadkii ila socday inoo geysteen”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.