Hargeysa, Somaliland December 22, 2015 (Saxafi) – Gudoomiyaha hay’adda shaqalaha Somaliland Maxamed Mixile Boqore oo ay wahelinayan masuuliyinta sare sare ee hay’ada shaqaalaha kormeer ku soo mareen wasaarada maaliyadda Somaliland qaybaheeda kala duwan ay soo koormeereen masuuliyintaasi, waxana kormeerkan uu noqoneya qaybtii labaad ee ay ku soo kormeereyeen laamaha iyo xarumaha xukumaddu ka dhisan.

Marka hawshayada ee kormeerkani uu ku salaysan yahay tayaynta shaqaalaha dowladda oo aanu ku hawlan yahay maalmahan wadi doonaa, shaqaalahayagu habeen iyo maalinba way wada shaqeyaan sidii loo dhamaystiri lahaa daatada shaqaalaha dowlada oo sax ah lana kaydiyo. Sidii uu madaxweynaha Somaliland uu yidhii dib u habaynta shaqaalaha dowladda ee public sector reform ama cadalada lo habeeyo, ayaanu habeentii aanu wadna oo wixii hadhow marka aanu dhamaystirno kormeerkayagan wixi shaqaale aan imtixaan marin aanu ka qaadi doono imtixaan sidii hadhow shaqaalahaasi uu helo cadaalad.”