WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, January 08, 2018 (Saxafi) – Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa soo saartay liiska guulaystayaasha Imtixaan ay dhawaan ka qaaday kumanaan dhallinyaro ah oo ku tartamayay 21 qof ay hay’addaasi u qaadan doono mashruuc lagu tiro-koobayo Shaqaalaha Dawladda..

Qoraal arrintan la xidhiidha oo ka soo baxay hay’adaasi waxaa lagu yidhi sidan. “Iyada oo muddooyinkii u dambeeyey hay’adda shaqaalaha dawladdu ku hawlanayd kala saarista tiro aqoonyahan ah oo soo xaraysatay dalabka shaqaale ay hay’adda shaqaalaha dawladdu uga baahnayd in ay kala shaqeeyaan tirinta iyo tayaynta shaqaalaha dawladda.

Haddaba kulankan shaacinta natiijada oo ay kasoo qaybgeleen Wasiirka shaqa-gelinta iyo arrrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi, masuuliyiinta xafiiska maamul wannaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo guud ahaan saraakiisha kala duwan ee hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa waxa ugu horrayn goobta ka hadlay macalinkii masuulka ka ahaa samaynta iyo sixida imitxaanka Prof Qalinle isaga oo xusay sidii daah-rognaanta lahayd ee ay u sameeyeen isla markaana u saxeen imtixaankii loo igmaday.

SomlegalAds

Prof Qalinle oo arimahaa ka hadlaya ayaa sidoo kale xusay in ay dhaarsanayeen isla markaana ay soo saareen intii qalinkoodu siiyey in ay noqdaan inta ugu sarraysa imitxaanka.  Sidoo kele waxa madasha ka hadlay sarkaal sare oo ka socday hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Mudane Dayib isaga oo xusay sida Hufan ee imtixanka iyo sixidduba ay u dhaceen waxaanuu bogaadin u jeediyey hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu ku tilmaamay in ay hayso jidkii saxda ahaa.  Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle oo isna goobta hadallo ka jeediyey ayaa ugu horayn u mahadceliyey macalimiintii gacanta ku haysay hawshan baaxadda badan isaga oo xusay in ay dhaarsanaayeen isla markaana ay soo sareen wixii Alle ku ogaa.

Guddoomiye Sharmaake ayaa sidoo kale xusay kaydka aqoonyahanka oo ay hirgeliyeen markii ugu horraysay oo kulliyad iyo gobol waliba ay ku jiraan,  isaga oo markaana xusay in marba inta loo baahan yahay uun imtixaan laga qaadi doono marka madax taabashadu dhamaato ee si dhab ah loo soo ogaado baahida shaqaale ee dawladdu u baahan tahay, waxaana uu wasiiirka shaqo-gelinta ka codsaday in ay dedaal dheeraad ah geliso sidii ay shaqo abuur ugu samayn lahaayeen uguna bandhigi lahaayeen cid walba oo shaqo bixiye ah.

Ugu dambayntii Wasiirka shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi ayaa bogaadin iyo mahadnaq u jeedisay hay’adda shaqaalaha dawladda iyada oo ku bogaadisay hannaanka hufan ee ay horseedeen, Wasiirku waxa ay sidoo kale duco iyo ballan-qaad u hibaysay tartamayaashii soo xaraysatay codsiyada.

Wasiir Hinda ayaa sidoo kele xustay in xukuumaddu dadaal dheeraad ah gelin doonto sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa iyada oo sheegtay in ay arrintaasi mudnaanta koobaad u tahay xukuumadda imika talada haysa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.