WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 30, 2018 (Saxafi) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, oo fariin wargelin ah u dirtay Xubno gaar oo ka mid ah shaqaalaha   dawladda Somaliland oo dacwado cabasho ah ku soo gudbiyey in aanay sababo la waydiin doono darteed ugu suurto gelin inay ka qaybgalaan wajigii 1aad ee diwaangelintii shaqaalaha dawladda Somaliland ee horaantii sannadkan hay’adda shaqaalaha dawladdu goboladda dalka ka fulisay.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa si rasmi ah u shaaciyey shalay fariin wargelin ah oo loo diray  shaqaale  Dawladda Somaliland ka tirsan oo aan ka qaybgelin wajigii 1aad ee  diwaangelintii madax taabashadda shaqaalaha dawladda ee dalka laga fuliyey horaantii  sannadkani, waxaanu md Sharmarke Geelle wargelintiisa ku cadeeyey in dadkii cabashooyinka hay’addooda ugu soo gudbiyey in aanay ka qaybgelin wajigii 1aad ee diiwaangelinta shaqaalaha dawladdu inay ka faa’iidaystaan fursada 2aad ee la siiyey isla markaana wakhti cayiman loo qabtay oo 1/9/2018 ilaa 11/9/2019 aad inta u dhaxaysa ay  tagaan wasaaraddaha iyo  hay’addaha dawladda ee ay ka hawlgalaan.

SomlegalAds

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu Wargelintiisa ku yidhi sidan.

Yeedhmo “Shaqaalihii aan is-diiwaangelin”

Bilowga Kala Hufka Wejigii 2aad

Adeegayaal,

Sida aad la socotaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay mudooyinkii u dambeeyey gacanta ku haysay hawl-qabadka qaran ee diiwaangelinta shaqaalaha dawladda Somaliland si loo tayeeyo.

Haddaba, 24/07/2018 Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay wajigii 1aad joojisay 1,252 Kaalmo shaqo kuwaas oo la soo waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, halkaas oo si wanaagsan looga saaray diiwaanka mushahar bixinta qaranka

Sida oo kale Waxa mudooyinkii u dambeeyey baadhis iyo daba-gal lagu sameeyey runimada tirada dalka u diiwaangashan in ay waxbarasho dibadeed ku maqan yihiin oo dhan 87 qof halkaas oo maalmaha soo socda la soo saari doono inta dhab noqotay iyo inta buuxin wayday shuruudihii loogu aqoonsan lahaa in ay waxbarasho ku maqan yihiin.

Si taas lamid ah, Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay imika gudo galaysaa kala hufka wajigii 2aad oo tiradoodu dhan tahay 1,224 kuwaas oo aan isku diiwaangelin sababo la xidhiidha:

1- Dhimasho 172

2- Dhul-yaal 132

3- Waxbarasho 87

4- Fasax Caafimaad 69

5- Dood magac ka qaldan iyo maqnaasho xiligii diiwaangelinta 764

Sidaa darteed, guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu waxa ay ku wargelinaysaa dhamaan shaqaalihii dacwad ama diiwaangelin sugayaasha ahaa ee aan ku jirin 1,252 kaalmo shaqo ee la joojiyey in ay degdeg ula xidhiidhaan Wasaaradda/Hay’adda dawladeed ee ay ka hawl-galaan si loola eego.

Dib u eegistan ayaa bilaabmaysa 1/09/2018 isla markaana dhamaan doonta 11/09/2018 sidaa darteed, waxa aan ku adkaynayaa dhammaan shaqaalaha diiwaangelin ama dacwad sugayaasha ahaa in ay fursadan ka faa’idaystaan.

ugu dambayn, marka wajigan labaad la soo xidho hay’adda shaqaalaha dawladdu waxa ay bilaabi doontaa baahinta jagooyinka shaqo iyo shaacinta gobolada ay tartamadu ka qabsoomi doonnaan iyo sida oo kale tayeynta shaqaalaha dawladda hadii Alle Idmo

F.G – Wasaarad/Hay’add walba jadwalka shaqaalaheeda laga rabo hay’adda shaqaalaha waxa horay loogu gudbiyey Wasaaradda/Hay’adda ee degdeg ula xidhiidh si aad u ogaato.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.