WorldRemitAds
Sannad ku dhawaad ayaa ka hadhay wakhtigii loo qabtay inay dalkan ka dhacaan doorashooyin xor ah oo reer Somaliland ku soo doortaan dawlad cusub oo Madaxweyne Siillaanyo ka maqan yahay.

Sannadkaa horteedna waxaad mooddaa inay durba dalka ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay madaxda xisbiyada Siyaasaddu si cad iyo si hooseba ugu dhaqaaqeen, iyagoo dhaqdhaqaaqyadaasina ugu soo gabbanaya duruufaha dalka ka jira iyo hawlaha kale ee loogu diyaar garoobayo doorashooyinkaasi, sida diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo kale.
Tan iyo markii Burco laga bilaabay diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo Boorama oo ku xigtayba waxay Masuulyiinta sare ee xisbiyada siyaasaddu, gaar ahaan Kulmiye iyo Waddani, durba shacbiga tusayaan taageeradooda waxaanad mooddaa in masuuliyiinta iyo musharraxiinta xisbul xaakimka Kulmiye la yaaban yihiin culayska siyaasadeed ee xisbiga Waddani.
Madaxweyne Siilaanyo Xukuumadiisa oo hore ugu ballanqaaday in Guddoomiyaha xisbulxaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne ku xigeenka haatan uu ku wareejin doono xukunka dalka sannadka dambe ayaa haatan u muuqda kuwa ka shakisan in ballanqaadkaasi fuli doono, waxaa ay ka baqayaan Xukuumaddu in Musharraxiinta Kulmiye lagaga adkaado doorashooyinka soo socda, sidaa darteedna waxaa ay dareemay in loo baahanyahay xoog kale iyo siyaasad kale oo xisbul xaakimka lagaga badbaadin karo guuldarro kaga dhacda doorashooyinkaasi. Tallaabooyinka loo malaynayo inay tahay saanadii u horreysay ee lagu difaaci lahaa xisbulxaakimka Kulmiye ayaa u muuqata inay ka mid tahay isku-shaandheyntii u dambaysay ee Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Golihiisa wasiirada, wasaaradda warfaafintana lagaga fogeeyey Wasiir Cukuse, ka dib markii uu shirweynihii Kulmiye, keligii caddaystay mucaaradnimadiisa musharrax Muuse Biixi.
Isku-shaandhayntan oo ahayd mid kooban ayaa waxay isku bedeshay saddex xubnood oo ka mid ah Golaha wasiiradda, waxaana reer Awdal ka faa’iideen wasiirkii labaad ee loo magacaabo wasaradaha B-da ah marka lagu daro wasiirka waxbarshada. Marka loo dhabo galo isku shaandheyntan waxa si cad looga arki karaa wasiirka cusub ee warfaafinta, Mud Cadaani, kana soo jeeda beelaha Guddoomiye Cirro ahna musharraxa mansabka Madaxweynaha xisbiga Waddani, iyo wasiirka cusub ee duulista Cumaryare kanasoo jeeda jufada Musharraxa mansabka Madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Waddani Maxamed Cali, halka wasiirka cusub ee waxbarashadana loogu talogalay inuu caabiyo Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani, Axmed Muumin Seed, ahna musharraxa mansabka M. weynekuxigeenka xisbiga Waddani, afhayeenka cusub ee madaxtooyadana loogu talogalay inuu aamusiiyo Boobe Yuusuf, xoghayaha warfaafinta xisbigaasi Waddani sidaa darteedna iskushaandheyntani lagu meteli karo inay tahay bilowga saanadii u horreysay ee dhinaca siyaasadda lagu difaaci lahaa xisbiga Kulmiye, hoosna loogu dhigi lahaa kaambaynka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.