WorldRemitAds

Dawlada Federaalka Dalka Jarmalka ayaa maalintii arbacadii shalay ansixisay, sharci cusub oo dadka qaxootiga ah ee dalkaas ku sugan, xisaab looga furi karo bangiyada, lacago naqdi ahna ay kala bixi karaan, taas oo ilaa eheladoodi ka hadhay dibada ay u xawili karayaan lacago kaash ah.

Qorshahan cusub ee xisaabta bangiyada looga furayo dadka qaxootiga iyo soo galaytiga ku jooga dalkaas ayaa la sheegay in ay ka faa’iidaysan doonaan, hal milyan iyo sideed boqol oo kun oo qof, kuwaas oo isugu jira, dadkii muddooyinkii ugu danbeeyay dalkaas, Qaxootiga Jarmalkabayhoofka iyo qaxootinimada ku galay iyo kuwii hore ugu tahriibay ee magan gelyo doonka ahaa.

Dawlada Jarmalka ayaa qorshahan ku sheegtay in uu yahay mid la jaan qaadaya xeerka caalamiga ah ee Geneva, kaas oo ah isagu mid sugaya xuquuqda qaxootiga ee dunida.

SomlegalAds

Wasiirka Cadaalada dalka Jarmalka Heiko Maas oo ka hadlayay ujeedada dawladiisu ka leedahay qorshaha, ayaa sheegay in dadka qaxootiga ah ee aan hore xisaab furan ugu lahayn bangiyadu aanay heli Karin shaqo oo shuuqa shaqo doonku ku adkaanayay, sidaa awgeed xisaabtooda bangiyada loogu furayo si ay u helaan shaqo, noloshooduna u fiicnaato.

Midowga Yurub ayaa qiyaas uu dhawaan soo saaray ku sheegay in dalka Jarmalka ay joogaan ilaa boqol kun oo qof oo aan lahayn xisaabta furan ee bangiyada, hasa yeeshee tiradan xad dhaafka ah ee Jarmalku soo saaray ayaa noqonaysa mid aad looga yaabay dad badanina u aamineen, in qaxooti iyo soo galayti cusub loogu gacan haadinayo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.